Subaxnimadii hore saakay ayay ahayd waqtii wasaarada difaaca Ruushka ay u qabatay dagaalyahanada wax iska caabinta Ukraine ee ku sugan magaalada Mariupol in ay Hubka dhigaan oo ay isu soo dhiban Ciidamada Ruushka.
Afhayeenka Wasaaradda Gashaan dhiga Ruushka Igor Konashenkov ayaa sheegay in Ciidamada Ruushka ay burburiyeen Warshad Rasaasta lagu farsameeyo oo ku taallo meel ku dhaw Caasimadda Ukraine ee Kyiv.
“Gantaallo hawada laga soo ganay xilli habeen ah ayaa burburiyay warshad Rasaasta sameeyso oo ku taalay magaalada Brovary oo aan ka fogeen magaalada Kyiv,” ayuu yiri: afhayeenka Wasaaradda Gashaan dhiga Ruushka Igor Konashenkov.
Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa xustay in Ciidamo gaaraya 1,035, oo calooshood u shaqeystayaal ajnabi ah oo ka kala yimid 63 waddan lagu dilay Ukraine, tan iyo markii uu bilowday dagaalka.