Waxaa maanta bilaabatay doorashada degmada Ceelwaaq ee deegaan doorashada 2-Aad ee Jubbaland, waxaana ilaa hadda la doortay ugu yaraan afar Xildhibaan.
Kursigii ugu horeeyey ee doorashada lagu bilaabay oo ah HOP119, waxaa ku tartamay wasiirka waxbarashada XFS Cabdullaahi Abuukar Xaaji iyo Cabdicasiis Cabdullaahi Ibraahim, waxaana ku guuleystay Xildhibaan Cabdullaahi Abuukar Xaaji, kadib markii uu u tanaasulay musharaxii kale Cabdicasiis Cabdullaahi Ibraahim.
Cismaan Libaax Ibraahim iyo Mustaf Maanow Geedi ayaa ku tartamay kursiga HOP102, waxaana ku guuleystay Cismaan Libaax Ibraahim.
Maxamed Aadan Macalin iyo Xassan Cabdi Axmed ayaa ku tartamay kursiga HOP090, waxaana ku guulaystay Maxamed Aadan Macalin.
Aadan Ibraahim Isaaq iyo Musharax Xildhibaan Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku tartamay kursiga HOP065, waxaana ku guulaystay Xildhibaan Jibriil Cabdirashiid Xaaji, kadib markii uu tanaasulay musharixii la tartamayay.