Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 27-aad ee wareegga 3aad kulankiisa ugu dambeeyay ku tartamay degmooyinka Gaalkacyo iyo Buula-burte oo ka kala tirsan Gobollada Mudug iyo Hiiraan. waxaana barnaamijka sanadkii 2aad oo xiriir ah taaba-gelineya Bangiga IBS.
Tartameyaasha labada degmo ee Gaalkacyo iyo Buula-burte ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.
Gaalkacyo
Tartameyaasha Degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal, halka ay iska qaldeen Afar su’aal, Ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaas darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Gaalkacyo ay heleen waxay noqotay Lix (6) dhibcood.
Buula-burte
Tartamayaasha Degmada Buula-burte ee Gobolka Hiiraan waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Labo su’aal, iyagoo iska qalday Shan su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay tartamayaasha Gaalkacyo, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Buula-burte waxay noqotay Lix (6) dhibcood.
Hadaba sida sharciga tartanka uu dhigayo marka ay labada Degmo noqdaan isku dhibco waxaa lagu daraa su’aalo dheeri ah si loo kala saaro oo mid un ay ugu gudubto wareegga xiga, waxaana su’aalihii dheeriga ahae lagu daray ay tartamayaasha Degmada Gaalkacyo waa ay iska qaldeen oo waxaa ka faa’iideysatay dhigooda Buula-burte, halka su’aashoda sideedaad ay si sax ah uga jawaabeen, waxaana ay Gaalkacyo la timid 6 dhibcood, halka Buula-burte ay keensatay dhibco gaaraya 10 dhibcood.
Hadaba kulankii 27-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga 4aad u soo gudubtay tartamayaasha Degmada Buula-burte ee Gobolka Hiiraan, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.
Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 26-aad ee tartanka, kulankiisa 28-aad waxaa ku tartami doona wareegga 4 dhamaadka ee tartanka degmooyinka Kismaayo iyo Marko oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Hoose iyo Shabeelaha Hoose.
Afar degmo ayaa isugu soo hartay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka, kuwaasi kala ah sida ku cad shaxda hoos ku qoran.