Tuesday, May 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan

Tartamayaasha Degmada Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga 4 dhamaadka ee tartanka 

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Tartanka Ramadaan, Wararka
0
Tartamayaasha Degmada Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga 3aad ee tartanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 27-aad ee wareegga 3aad kulankiisa ugu dambeeyay ku tartamay degmooyinka Gaalkacyo iyo Buula-burte oo ka kala tirsan Gobollada Mudug iyo Hiiraan. waxaana barnaamijka sanadkii 2aad oo xiriir ah taaba-gelineya Bangiga IBS.

Tartameyaasha labada degmo ee Gaalkacyo iyo Buula-burte ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Related posts

Madaxweynaha Hirshabelle oo furay shirka Wadatashiga Caafimaadka Qaranka

Madaxweynaha Hirshabelle oo furay shirka Wadatashiga Caafimaadka Qaranka

May 12, 2026
DFS oo ka qeybgashay Shir Madaxeedka Afrika iyo Faransiiska ee Nairobi

DFS oo ka qeybgashay Shir Madaxeedka Afrika iyo Faransiiska ee Nairobi

May 12, 2026

Gaalkacyo

Tartameyaasha Degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal, halka ay iska qaldeen Afar su’aal, Ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen,  sidaas darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Gaalkacyo ay heleen waxay noqotay Lix (6) dhibcood.

Buula-burte

Tartamayaasha Degmada Buula-burte ee Gobolka Hiiraan waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Labo su’aal, iyagoo iska qalday Shan su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay tartamayaasha Gaalkacyo,   sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Buula-burte waxay noqotay Lix (6) dhibcood.

Hadaba sida sharciga tartanka uu dhigayo marka ay labada Degmo noqdaan isku dhibco waxaa lagu daraa su’aalo dheeri ah si loo kala saaro oo mid un ay ugu gudubto wareegga xiga, waxaana su’aalihii dheeriga ahae lagu daray ay tartamayaasha Degmada Gaalkacyo waa ay iska qaldeen oo waxaa ka faa’iideysatay dhigooda Buula-burte, halka su’aashoda sideedaad ay si sax ah uga jawaabeen, waxaana ay Gaalkacyo la timid 6 dhibcood, halka Buula-burte ay keensatay dhibco gaaraya 10 dhibcood.

Hadaba kulankii 27-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga 4aad u soo gudubtay tartamayaasha Degmada Buula-burte ee Gobolka Hiiraan, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 26-aad ee tartanka, kulankiisa 28-aad waxaa ku tartami doona wareegga 4 dhamaadka ee tartanka degmooyinka Kismaayo iyo Marko oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Hoose iyo Shabeelaha Hoose.

Afar degmo ayaa isugu soo hartay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka, kuwaasi kala ah sida ku cad shaxda hoos ku qoran.

Previous Post

R/W Rooble oo digniin u diray Talisyada Nabad sugidda iyo Booliska

Next Post

Qaban-qaabada doorashada guddoonka Aqalka sare oo ka socota Muqdisho

Next Post
Qaban-qaabada doorashada guddoonka Aqalka sare oo ka socota Muqdisho

Qaban-qaabada doorashada guddoonka Aqalka sare oo ka socota Muqdisho

Madaxweynaha Hirshabelle oo furay shirka Wadatashiga Caafimaadka Qaranka

Madaxweynaha Hirshabelle oo furay shirka Wadatashiga Caafimaadka Qaranka

May 12, 2026
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, iyo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

DFS oo ka qeybgashay Shir Madaxeedka Afrika iyo Faransiiska ee Nairobi

DFS oo ka qeybgashay Shir Madaxeedka Afrika iyo Faransiiska ee Nairobi

May 12, 2026
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeybgashay shir madaxeedka Africa Forward Summit, oo qayb ka ah Shirka Horumarinta Iskaashiga Afrika iyo...

Xeebta Baraawe: Wiil yar oo hirarka badda ugu halgamaya quudka reerkiisa

Xeebta Baraawe: Wiil yar oo hirarka badda ugu halgamaya quudka reerkiisa

May 12, 2026
0

Xeebta Baraawe waxay xambaarsantahay saakay muuqaal ka hadlaya nolol, halgan iyo rajo. Wiil yar oo garanaya qiimaha nolosha ayaa badda...

Wasiirka  Arimaha Dibadda XFS oo Hogaamiyaasha Afrika kala qeyb galay Shir madaxeedka Africa Forward

Wasiirka Arimaha Dibadda XFS oo Hogaamiyaasha Afrika kala qeyb galay Shir madaxeedka Africa Forward

May 11, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta ka qeyb...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In