Tartan adag oo wareegga 2aad ah ayaa waxa u dhexeeyay Xildhibaananda kala ah Xildhibaan Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar iyo Xildhibaan Maxamed Cali Cumar Caano nuug, kuwaasi oo u soo gudbay wareegga 2aad.
Wareeggan oo sida sharciga uu qabo lagu kala baxayay cod hal dheeri ah ayaa waxaa ku guuleysatay kursiga Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar oo heshay 137, halka Xildhibaan Maxamed Cali Cumar Caano Nuug, uu isna helay 107.
Xildhibaan Maxamed Cali Cumar Caano Nuug oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in uu aqbalay doorashada caawa lagaga guuleystay, uun diyaar u yahay in uu la shaqeyn doono Guddoonka cusub.
Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Xildhibaan Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar oo ugu horeyn u mahadcelisay Xildhibaannada u codeysay iyo kuwa aan u codeen inay si siman ula shaqeyn doonto, ayna diyaar u tahay inay si hufan u gudato waajibaadka loo igmaday.
Xildhibaan Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa waxa ay noqoneysaa gabadhii ugu horeysay ee qabato xilkan.
Wareeggii 1aad ee tartanka oo ay ku loolameen ilaa iyo 10 musharax ayaa waxaa wreega labaad isugu soo hartay ilaa iyo saddex, balse hal Xildhibaan ayaa tunaasulay sidaas ayayna labada Xildhibaan isugu so hareen Xildhibaan Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar iyo Xildhibaan Maxamed Cali Cumar Caano Nuug .
Kursiga Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha shacabka oo ay ku tartameen Xildhibaan Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo XIldhibaan Mahad Cabdalla Cawad oo horey ugu fadiyay ayaa waxaa ku guuleystay, Xildhibaan Cabdullaahi Cumar Abshirow oo helay 146 cod, halka Xildhibaan Mahad Cabdalla Cawad uu isna helay 90 cod.
Xildhibaan Mahad Cabdalla Cawad oo isna madasha ka hadlay ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay hanaanka ay u dhacday doorashada, uuna diyaar u yahay inuu la shaqeynayo guddoonka cusub.
Xildhibaan Cabdullaahi Cumar Abshirow Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha shacabka ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay mas’uuiliyadda loo doortay, uuna diyaar u yahay in codka Xildhibaannada uu ku shaqeyn doono, ayna ka shaqeyn doonaan dhismaha Madaxweynaha Dalka.
Xalay waxaa xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya cod aqlabiyad leh ku guuleystay Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo helay 163 cod, waxaana sidaas ku dhamaystirantay Guddoonka Golaha Shacabka.