Tuesday, May 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada xoogga dalka oo howlgal qorsheysan ku bur buriyay fariisimo Al-Shabaab

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
4 years ago
in Wararka
0
Ciidamada xoogga dalka oo howlgal qorsheysan ku bur buriyay fariisimo Al-Shabaab
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee  Kumaandooska xoogga dalka ee DANAB, ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyay dhulka howdka ah ee hoostaga deegaanada Leego iyo Jameeco oo ka wada tirsan gobolada Shabeellaha hoose iyo Baay.

Ujeedka howlgalka ayaa ahaa mid lagu xaqiijinayo ammaanka deegaanadaas, inta uu howlgalka socday ciidamada xoogga dalka waxay baaritaan ku sameynayeen dadka iyo guryaha iyagoo baadi goobaya argagixisada Al-Shabaab oo ku dhuumaleysanaya halkaas.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Talyaaniga ee Soomaaliya

May 18, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

.Bayaan ka soo baxay Dowladda oo lagu taageeray Boqortooyada Sacuudiga

May 18, 2026

Taliyaha ururka 4-aad, guutada 16-aad dhamme Maxamed Cabdiqaadir Cali oo howlgalka hoggaaminayay ayaa sheegay in ay bur buriyeen goobo Al-Shabaab lacago baad ah ay kaga qaadayeen Shacabka Soomaaliyeed ee ay saameysay abaarta, isagoo dhanka kale, wacad ku maray in ay sii wadayaan howlgalka inta laga soo afjarayo gumaadka argagixisada ay shacabka ku hayaan.

Previous Post

Dowladda Soomaaliyaa oo ku dhawaaqday in Berri aysan aheyn Ciid

Next Post

Xuska 1-da May ee maalinta Shaqaalaha Dunida

Next Post
Xuska 1-da May ee maalinta Shaqaalaha Dunida

Xuska 1-da May ee maalinta Shaqaalaha Dunida

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Talyaaniga ee Soomaaliya

May 18, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya,...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

.Bayaan ka soo baxay Dowladda oo lagu taageeray Boqortooyada Sacuudiga

May 18, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa isku dayga weerar ee loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, kaas oo...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Safiirka Turkiga iyo saraakiil kale

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Safiirka Turkiga iyo saraakiil kale

May 18, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Mudane Alper...

Wasiirka Amniga Gudaha oo Muqdisho ka daah-furay tababarka macallimiinta Booliiska Soomaaliyeed

Wasiirka Amniga Gudaha oo Muqdisho ka daah-furay tababarka macallimiinta Booliiska Soomaaliyeed

May 18, 2026
0

Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah uga daah-furay tababarka macallimiinta Ciidanka Booliiska...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In