Thursday, August 21, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xuska 1-da May ee maalinta Shaqaalaha Dunida

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
May 1, 2022
in Wararka
0
Xuska 1-da May ee maalinta Shaqaalaha Dunida
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxda iyo shucuuubta dalalka dunida ee ku bahoobay ama ku mideysan hey’adda Qaramada Midoobay ayaa maantta u dabbaaldegay munaasabadda 1-da May oo ku beegan xuska sanadguurada 103-aad ee ka soo wareegatay aasaaskii ururka caalamiga ah ee shaqaalaha dunida ILO (International labour Organisation) .

 1-da May waa maalin weyn oo caalamka oo dhan ay u dabbaaldegaan munaasabadda maalinta shaqaalaha dunida oo ah maalin si gaar ah u xambaarsan aasaaskii  ururada xoogsatada,tacadiyadii lala beegsaday iyo halgankii ay u soo galeen xoriyad dhameystiran oo lagu wadaago shaqada.

Related posts

Soomaaliya oo ka qayb-galeysa Shirweynaha Caalamiga ah ee Horumarinta Afrika (TICAD9) 

August 21, 2025
Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Hindise Sharciyeedka Dambiyada Saybarka Soomaaliya

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Hindise Sharciyeedka Dambiyada Saybarka Soomaaliya

August 21, 2025

  Halgankii xoogsatada

 1889-kii waa markii ugu horeysay ee dalal ka mid ah caalamka sida Mareykanka iyo Ingiriiska ay aqoonsadaan kacdoonadii ururada xoogsatada ee looga horjeeday maamulada warshadaha iyo milkilayaasha beeraha,kuwaas oo sanado badan ku  eedeysnaa in ay ku kaceen xadgudubyo iyo gaboodfallo kale oo dhan ka ahaa shaqaalaha.

Aqoonsigaasi waxa uu ahaa mid ku kooban shaqaalaha ka howlgala dalalka Yurub iyo Mareykanka, hasa yeeshee Afrika,Aasiya iyo Laatiin Ameerika xilligaasi waxaa ka jiray tacadiyo dhan ka ah xoogsatada,mana jirin sharci ogolaanaya saacado kooban oo la shaqeeyo.

1919-kii, dalal ka mid ah Galbeedka oo ku jiray Jimciyaddii qarumaha ka dhaxeysay,ayaa ku dhawaaqay dhismaha urur shaqaale oo u howlgala danta xoogsatada,isla markaa ka qeybqaata dejinta xeerarka iyo siyaasadda lagu kala hago shaqaalaha iyo milkilayaasha warshadaha iyo beeraha.

Iyadoo la eegayo muhiimadda xoogsatada iyo kororka dalalka ka xoroobay gumeysiga ee qaatay dowladnimada, dagaalkii labaad ee dunida ka dib, Ururka Shaqaalaha Dunida ee ILO waxa ay soo saareen in lagu dhaqmo qodobo aasaas u ah dhismaha ururkaasi,waxaana ka mid ahaa:-

1-in si wadajir ah looga hortago shaqada khasabka ah , ku-shaqaynta carruurta, takoorka xagga shaqada iyo shaqaalaha a.

2- kor u  qaadidda horumarka caddaaladda bulshada, iyada oo loo marayo nidaamka heerarka caalamiga ah ee shaqada.

3-xaqiijinta iyo dhowrista xaaladaha xorriyadda shaqaalaha, sinnaanta, amniga iyo sharafta shaqaalaha iyo in la heli karo shaqo wax soo saar leh oo waarta.

4-Hirgalinta qaab-dhismeed saddex geesood ah oo ka kooban wakiillada dawladaha, loo shaqeeyaha, iyo shaqaalaha.

5-in sanad kasta xarunta shaqaalaha Gineva ee dalka Austria lagu qabto shir weyne caalami ah oo looga hadlo danaha shaqada iyo shaqaalaha.

Haddaba, Dalka Soomaaliya waxa uu ka mid yahay dalalka caalamka ee maanta u dabbaaldegaya xuska sanadguurada 103-aad ee ka soo wareegatay aasaaskii ururka shaqaalaha dunida,iyo muunaasabadda 67-aad ee aasaaska ururka shaqaalaha Soomaaliya.

Shaqaalaha Soomaaliya

Bishii Maajo 1949kii,waa markii ugu horeysay ee la bilaabay isku day la doonaayey in lagu dhiso Ururka Shaqaalaha Soomaaliya, (Sindacato di Lavoratori Somalo,iyadoo gacan laga helayo ,Xubno matalaya shaqaalaha oo taageero ka helaya Ururkii SYL ee gobanimo raadinta .

Sanadkii 1955-tii, Ururka Shaqaalaha waxa uu u dareeray doorashadii ugu horeysay,waxaana ku soo baxay Ahmed Guure Ma’muun oo noqday guddoomiye, halka jagada xoghayaha guud uu isna helay Cabdulqadir Cali Boolaay.

Ururku,waxaa uu sameeyay sharci damaanad qaadaya xuquuqda shaqaalaha,,isla markaana xal u hela dhibaatooyinki lagu qabay milkilayaashii warshadaha iyo beeraha,waxaana qodobadii sharcigaasi ka mid ahaa jaangoynta saacadaha shaqada, wax ka qabashada xaaladaha iyo duruufaha xoogsatada, daryeelka dadka da’da ah ee shaqeeya iyo joojinta shaqooyinka adag ee ay qabtaan caruurta.

Sidoo kale,ururku,waxa uu ku guuleystay in uu xiriirro wanaagsan la sameeyay dhaq-dhaqaaqii  shaqaalaha ee loo yaqiinnay Trade Union movement (Movimento Sindicale),oo ka jiray dalka Talyaaniga,Ururka Caalamiga ee is-bahaysiga Ganacsiga xorta ah  I.C.F.T,kii Urur weynaha Shaqaalaha Afrika (All Africain Labour Organazations), iyo Urur Goboleedka  Shaqaalaha Afrika.

15-kii June 1957dii,waxaa bilowday martiqaadyo iyo soo dhoweyn uu ururku ka helay Ururka Shaqaalaha Adduunka ILO),isagoo kalsooni ka heystay xukuumadda Talyaaniga oo mar kale sanadkii 1950-kii ku soo laabtay dalka,kadib kolkii Qaraada Midoobay ay ogolaatay in Soomaaliya la maamulo 10-sano oo xornimo gaarsin ah.

In xoogsatada Soomaaliya ay ka mid noqdaan ururada shaqaalaha dunida.waxay aheyd tallaabo muhiim ah,sidaa aawadeed,sanadkii 1960-kii waa markii ugu horeysay ee Soomaaliya ku biirto  Ururka  Calamiga ah ee Shaqaalaha Adduunka (International Labour Organazation (ILO),

Xiriirka Guud ee Ururada Shaqaalaha

  In dhismaha Heyadaha dowladda loo adeegsado qaab hantiwadaag ah waa nidaamkii ugu horeeyay ee ay la timid dowladdii kacaanka ee talada dalka la wareegtay 1969-kii ,waxaana magacii ururka shaqaalaha Soomaaliya lagu badalay Xiriirka Guud ee Ururada Shaqaalaga,kaas oo ,door weyn oo la taaban karo  ka soo qaatay ilaalinta xuquuqda shaqaalaha iyo kobcinta xagga aqoonta Shaqaalaha.

Burburkii dowladnimo ee dhacay 1991-dii, kadib , Xiriirka Guud ee Ururada Shaqaalaha ,waxa ay ka mid noqdeen hey’adha u nugul colaadaha ee sida fudud ugu baaba’ay dagaaladii sokeeye,waxaana meesha ka baxay nidaam loo baahnaa in lagula xisaabtamo Ururada Caalamiga ah iyo NGO-yada gudaha  ee galay booskii dowladda.

Gudigga shaqaalaha rayidka

 Mar kale,waxaa lagu guuleystay dhismaha Gudddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka,kaas oo baddalay magacii Xiriirkii Guud ee Ururada Shaqaalaha, wuxuuna si toos ah u qaatay doorkii wax ku oolka ahaa ee habsami u socodsiinta howlaha dowladnimo,gaar ahaan la socodka xaaladaha shaqaalaha .

waxaa xaqiiqo ah in shaqaalaha ay yihiin kuwo qayb ka ah maamulka dowladnimo ee ka dhisan dalka,marka loo eego kaalinta ay ka qaataan kobcinta dhaqaalaha iyo guud ahaan horumarka dadka iyo dalka  .

Waxaa haboon in maamulka Ururka Shaqaalaha uu noqdo mid u shaqeeya si caddaalad ah oo wax ka qaban kara xaaladaha kala duwan ee la soo dersa shaqaalaha dowladda iyo kuwa gaarka ah ee hoostaga shirkadaha ,hey’adaha maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah .

Maanta waxaa muuqata in Shaqaalaha ay yihiin kuwo door ama kaalin firfircoon ku yeelan kara geedi socodka loogu jiro gaaritaanka horumar wanaagsan oo ifitiimiya mustaqbalka dadka iyo dalka.

Gabagabadii ,waxaan halkaan hambalyo uga direynaa shaqaalaha dunida,gaar ahaan shaqaalaha Soomaaliya,waxaana u rajeyneynaa guul iyo horumar.

Shire Xasan Kulmiye

Previous Post

Ciidamada xoogga dalka oo howlgal qorsheysan ku bur buriyay fariisimo Al-Shabaab

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo hambalyo u diray Shaqaalaha Soomaaliyeed

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo hambalyo u diray Shaqaalaha Soomaaliyeed

Madaxweyne Farmaajo oo hambalyo u diray Shaqaalaha Soomaaliyeed

Soomaaliya oo ka qayb-galeysa Shirweynaha Caalamiga ah ee Horumarinta Afrika (TICAD9) 

August 21, 2025
0

Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo uu hoggaaminayo Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud Cabdullaahi Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Hindise Sharciyeedka Dambiyada Saybarka Soomaaliya

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Hindise Sharciyeedka Dambiyada Saybarka Soomaaliya

August 21, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey Hindise Sharciyeedka Dambiyada Saybarka Soomaaliya, oo...

Shirweynaha dhallinyarada Soomaaliyeed ee Isbeddelka Cimilada oo ka furmay Muqdisho

Shirweynaha dhallinyarada Soomaaliyeed ee Isbeddelka Cimilada oo ka furmay Muqdisho

August 21, 2025
0

Shirweynaha Dhallinyarada Soomaaliyeed ee Isbeddelka Cimilada 2025 ayaa si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Hotel Jazeera, maanta...

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb-galay casho-sharaf uu u sameeyay Madaxweynaha Galmudug

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb-galay casho-sharaf uu u sameeyay Madaxweynaha Galmudug

August 21, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay ka qeybgalay xaflad casho-sharaf ah oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In