Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya, ayaa Maanta lagu wadaa in ay yeeshaan kulamo looga hadlayo Ajandayaal dhowr ah oo ku saabsan Arrimaha doorashooyinka.
Kulanka Golaha oo ka dhacayo Xarunta Vila Hargeeysa ayaa xalay xildhibanada labada Aqal lagu wargaliyay in ay soo xaadiraan, waxana Ajandaha looga hadlayo uu yahay.
Doorashada Xubanaha guddiga isku dhafka ah ee labada Aqal ee qabanqaabada Doorshada Madxaweynaha 10-aad ee Jamhiiriyadda Soomaaliya, iyadoo ay xildhibaanadu go’aamin doonaan xiliga ay dhacayso doorashada Madaxweynaha.