Tuesday, October 14, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Isbitaalka Madiina oo faah faahin ka bixiyay adeegayda ay bulshada u qabtaan

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Maamulka Isbitaalka Madiina oo faah faahin ka bixiyay adeegayda ay bulshada u qabtaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho Dr Maxamed Cabiraxmaan Jaamac (Portugal) ayaa sheegay in adeegyo kala duwan ay u qabtaan bulshada oo ay ugu horeysay la tacaalidda dadka qaba dhaawacyada kala duwan.

Dr Maxamed Cabiraxmaan Jaamac oo wareysi gaar ah siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay in howlo baaxadleh ay u hayaan bulshada, ayna xoogga saaraan wax u qabashada dadka qaba dhaawacyada kala duwan, kuwa shilalka ku soo dhaawacma iyo kuwa qaraxyada la kulma, isagoo xusay inay soo badatay dhallinyarada tooreyda u geysaneysa dhallinta kale oo inta badan saameysa dhallinyarada ku nool Gobolka Banaadir.

Related posts

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

October 14, 2025
Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

October 14, 2025

“Muddadii 40-ka sano ee dalka waxa uu Isbitaalka la tacaali jiray xaaladaha dhaawacyada soo gaara bulshada, haba ugu darnaadee 10-kii sano ee la soo dhaafay, waxaana jira dhaawacyo sababay arrimaha amniga iyo kuwa dhallinyarada dhexdooda isu geystaan oo ay ugu horeyso tooreyda”. Ayuu yiri Dr Maxamed.

Agaasimaha ayaa tilmaamay in mararka qaar la keeno Isbitaalka la geeyo dad dhaawacyo tooreey u dhinta oo la garan waayo ehelkooda, kuwaasi oo aan u sameyno inaan sawiradooda ku baahino baraha bulshada si loo helo

Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho Dr Maxamed Cabiraxmaan Jaamac (Portugal) ayaa soo dhaweeyay baaqa uu maanta soo saaray Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Gurmadka Abaaraha, Mudane Cabbdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ee ku aadan xaaladda abaareed ee dalka jirta, ayna soo jeedinayaan in bulshada ay dhexdooda iscaawiso, kan maamul ahaana ay diyaar u yihiin inay ka qeyb qaataan kaalinta uga aadan arrimaahaas.

Dr Maxamed Cabiraxmaan Jaamac ayaa hoosta ka xariiqay inay qorsheynayaan sidii loo balaarin lahaa isbitaalka oo ay ku soo kordhiyaan xarumo cusub iyo qalab casri ah.

“Xaqiiqatan January 2022-ka ayaan ka shaqo bilaabay Isbitaalka, waxaana ku soo kordhinay qeybaha ICU, qeybta lagu xanaaneeyo bukaanada ku jira xaaladda adag, muddadi shanta bil ahayd oo aan ku guuleysanay, waxaan kaloo ku guuleysanay dib u habeynta qeybta gargaarka deg degga ah iyo inaan ku soo kordhinay qeybo kale oo cusub, anagoo dhagax dhignay qeybta OPD, oo ah qeybta bukaan socod eegtada oo aan rabno inaan weyneyno oo aan fariisino Dhakhaatiir taqasus u leh qeybta bukaan socod eegtada”. Ayuu yiri Dr Maxamed Cabdiraxmaan.

 

 

Previous Post

Special Envoy of the President for Drought Relief meets with Turkish Ambassador to Somalia

Next Post

Muxiyadiin Warbac oo loo magacaabay Taliyaha Hay’adda Nabad sugidda ee Gobolka Banaadir

Next Post
Muxiyadiin Warbac oo loo magacaabay Taliyaha Hay’adda Nabad sugidda ee Gobolka Banaadir

Muxiyadiin Warbac oo loo magacaabay Taliyaha Hay’adda Nabad sugidda ee Gobolka Banaadir

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

October 14, 2025
0

14-ka Oktoobar,gaar ahaab 2017-kii waaa dhacdo aad u xanuun badan oo laheyd naxdin iyo amakaag,,kadib kolkii maalin qura ay dhibaatooyin...

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

October 14, 2025
0

Shirka Heer Wasiir ee Ururka Dhexdhexaadka Adduunka (Non-Aligned Movement – NAM) ayaa ka furmay magaalada Kampala ee dalka Uganda. ‎...

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

October 13, 2025
0

Iyadoo caalamku maanta u xusaysaa Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka, Soomaaliya waxay xusaysaa adkeysiga iyo geesinimada bulshada Soomaaliyeed...

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

October 13, 2025
0

Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta dib-u-eegista 4-aad ee barnaamijka wada-shaqaynta ah ee ay la leedahay Dowladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In