Monday, February 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ergeyga gaarka ah ee gurmadka Abaaraha oo safarkiisi ugu horreeyay ku tagay Baydhabo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Ergeyga gaarka ah ee gurmadka Abaaraha oo safarkiisi ugu horreeyay ku tagay Baydhabo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Beni-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa safarkiisi ugu horreeyay tan iyo markii xilkaas loo igmaday maanta ku tagay magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Ergeyga waxaa safarka ku wehliyey ku-xigeenka Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Adam Abdelmoula.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Ganacsiga Afrika

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Ganacsiga Afrika

February 16, 2026
Isku aadka Tartan Cilmiyeedka Ramadan Warbaahinta Qaranka ee degmooyinka iyo gobollada Dalka 1447

Isku aadka Tartan Cilmiyeedka Ramadan Warbaahinta Qaranka ee degmooyinka iyo gobollada Dalka 1447

February 16, 2026

Ujeedka socdaalka ergeyga iyo ku xigeenka Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay, ayaa ku qotoma u-kuur-galidda xaaladdaha abaaraha iyo nolosha danyarta abaaruhu saameeyeen, isagoo kormeer iyo indha-indheyn ku tagay, xeryo barakac oo ku yaalla magaalo madaxda Gobolka Bay ee Baydhabo.

Xarunta KMG ah ee Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed, ayaa ka mid ah magaalooyinka ay ku soo barakaceen dadka ugu badan ee ay xoolihii iyo beerihii noloshoodu ku tiirsanayd abaaruhu waxyeeleeyeen.

Ergeyga ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka ugu baaqay in ay gargaar iyo gurmad degdeg ah lala soo gaaro dadkaas.

Previous Post

Siihayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda oo kala hadlay Safiirka Shiinaha xoojinta iskaashiga Muqdisho.

Next Post

Taliyaha XDS oo kormeeray fariisin ciidanka ay ku leeyihiin Baydhabo “SAWIRRO”

Next Post
Taliyaha XDS oo kormeeray fariisin ciidanka ay ku leeyihiin Baydhabo “SAWIRRO”

Taliyaha XDS oo kormeeray fariisin ciidanka ay ku leeyihiin Baydhabo “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Ganacsiga Afrika

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Ganacsiga Afrika

February 16, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyay Shirka Ganacsiga Afrika, oo...

Isku aadka Tartan Cilmiyeedka Ramadan Warbaahinta Qaranka ee degmooyinka iyo gobollada Dalka 1447

Isku aadka Tartan Cilmiyeedka Ramadan Warbaahinta Qaranka ee degmooyinka iyo gobollada Dalka 1447

February 16, 2026
0

Akhriatayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa Isku aadka Tartan Cilmiyeedka Ramadan Warbaahinta Qaranka ee degmooyinka iyo gobollada Dalkeenna. Halkan...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khadka taleefanka kula hadlay Amiirka Qatar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khadka taleefanka kula hadlay Amiirka Qatar

February 16, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadal miro dhal ah oo khadka taleefanka ah la yeeshay Amiirka...

Wasaaradda Deegaanka XFS oo qabatay kulan wadatashi ah

Wasaaradda Deegaanka XFS oo qabatay kulan wadatashi ah

February 16, 2026
0

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaysa Ha’yadda (NAP Global Network) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In