Danjiraha Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Sacuudi Carabiya, Saalim Macoow Xaaji oo uu weheliyo qunsulka guud ee Soomaaliya u jooga magaalada Jiddah ayaa booqasho ku tagay Xarunta Jaamacadda Islaamiga ee Madiina Al Munawara.
Danjire Saalim Macoow Xaaji ayaa guddoomiyaha Jaamacadda Islaamiga ee Madiina Al Munawara ugu mahad celiyay deeqaha waxbarsho ee ay u fidiyaan Ardayda Soomaaliyeed.
Safiirka ayaa codsaday in la kordhiyo Ardayda Soomaaliyeed ee halkaasi wax ka barata gaar ahaan Ardayda diyaarineysa waxbarashada heerka labaad ee Master-ka iyo kuwa PhD degree-ga.
Jaamacadda Islaamiga ah ee Madiina Al Munawara oo ay haatan dhigtaan todobaatameeyo Arday oo Soomaali ah ayaa waxaa xilliyo kala duwan ka Aflaxay culimaa’udiin Soomaaliyeed oo caan ka ah Caalamka.