Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddi ka kooban 16 xubnood u magacaabay qaban qaabada xuska sanad-guurada 62aad ee maalmaha xorriyadda ee 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo.
Wareegto ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Dalka ayaa xubnaha la magacaabay waxa ay kala yihiin.
- Mudane Cusmaan Abuukar Duube Wasiirka Warfaafinta Guddoomiye
- Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur Wasiirka Amniga gudaha ku-xigeen
- Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur Wasiirka Difaaca xubin
- Mudane Duraan Axmed Faarax Wasiirka Gaadiidka Xubin
- Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadad Xubin
- Mudane Xamsa Saciid Xamsa Wasiirka Dhallinyarada Xubin
- Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka Gargaarka Xubin
- Mudane Xasan Xaaji Xuseen Wasiirka Cadaaladda Xubin
- Mudane Cabdiwahaab Ugaas Khaliif Wasiirka Shaqada xubin
- Marwo Shukri Maxamuud Faarax Wasiiru dowlaha Tamarta Xubin
- Mudane Cumar Maxamuud Maxamed Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xubin
- Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada xubin
- Mudane Maxamed Ibraahim Nuur Xoghayaha joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha xubin
- Aamina Axmed Samatar Agaasimaha Xoghaynada iyo Keydinta Qoraalada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha xubin
- Hinda Axmed Cali Agaasimaha Habmaamuuska ee Madaxweynaha xubin iyo
- Mudane Bashiir Axmed Cismaan Agaasimaha Golaha Wasiirada, Xoghayaha fulinta.