Thursday, March 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Galmudug oo Ceel biyood ka hirgelineysa deegaanka Godinlabe.

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
4 years ago
in Wararka
0
Galmudug oo Ceel biyood ka hirgelineysa deegaanka Godinlabe.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda tamarta iyo kheyraadka biyaha Galmudug oo ka fal-celineysa abaaraha baahsan iyo biyo yarida kajirta deegaanada Galmudug ayaa qodista ceel riig ah ka billaawday deegaanka Godinlabe ee hoostaga degmada Cadaado.

Agaasimaha wasaaradda tamarta iyo kheyraadka biyaha Galmudug mudane Cabdinaasir Cabdullaahi Jaamac ayaa dhagax dhigay ceel biyoodkan oo wax badan ka tari doona baahiyaha dhanka biyaha ee ay qabeen dadka ku nool deegaanada fog-fog ee ku xeeran Godinlabe.

Related posts

Qoysas ay abaartu saameysay oo biyo dhaamin lagu sameeyay degaanno hoostaga Cadaado

Qoysas ay abaartu saameysay oo biyo dhaamin lagu sameeyay degaanno hoostaga Cadaado

March 12, 2026
Taliyaha CXDS oo kulan dardaaran ah la qaatay Ciidamo u baxaya Tababar Dalka Dibaddiisa ah

Taliyaha CXDS oo kulan dardaaran ah la qaatay Ciidamo u baxaya Tababar Dalka Dibaddiisa ah

March 12, 2026

Ceelkan ayay hirgalintiisa iska kaashanayaan wasaradda tamarta iyo kheyraadka biyaha Galmudug iyo hey’adda ADRA, sida uu sheegay u qaabilsanaha hey’addaasi qaybta biyaha iyo daafada deegaanada Galmudug iyo puntland.

Sidoo kale qaar kamid ah bulshada ku dhaqan degaanka Godinlabe ayaa ka mahad celiyey qodista Ceelkan.

Agaasimaha wasaaradda tamarta iyo kheyraadka biyaha Galmudug mudane Cabdinaasir Cabdullaahi jama ayaa ugu dambeyn sheegay in ceelkani ku yimid qiimeyn hore looga sameeyay illaa dhowr barood oo sahmiyayaashu u asteeyeen in goobtani noqotay halka ugu mudan ee laga heli karo biyo macaan.

Previous Post

Ciidanka xoogga dalka oo cagta mariyay fariisimo ay Al-shabaab ku lahaayeen degaanno ka tirsan Jubbada hoose.

Next Post

Basaaskii ugu xirfadda badnaa Al-shabaabka Muqdisho oo la Xukumay

Next Post
Basaaskii ugu xirfadda badnaa Al-shabaabka Muqdisho oo la Xukumay

Basaaskii ugu xirfadda badnaa Al-shabaabka Muqdisho oo la Xukumay

Qoysas ay abaartu saameysay oo biyo dhaamin lagu sameeyay degaanno hoostaga Cadaado

Qoysas ay abaartu saameysay oo biyo dhaamin lagu sameeyay degaanno hoostaga Cadaado

March 12, 2026
0

Ilaa 1,000 qoys oo ay si daran u saameysay abaarta ka jirta qaybo ka mid ah dalka ayaa ka faa’iideystay...

Taliyaha CXDS oo kulan dardaaran ah la qaatay Ciidamo u baxaya Tababar Dalka Dibaddiisa ah

Taliyaha CXDS oo kulan dardaaran ah la qaatay Ciidamo u baxaya Tababar Dalka Dibaddiisa ah

March 12, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) S/Guuto Ibrahim Mohamed Mahmoud ayaa kulan sagootin iyo dardaaran ah la qaatay ciidamo gaar...

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

March 12, 2026
0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa isku aadka wareegga Afar dhamaadka ee tartanka oo ay isugu soo hareen...

Tartamayaasha Wanla-weyn oo u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Wanla-weyn oo u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

March 12, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In