Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Cabdiraxmaan Shiikh Xasan oo ay Weheliyaan Guddoomiye Ku-Xigeenka Degmada Iyo Xoghayaha Dowladda Hoose ayaa Kulan isla Xisaabtan iyo isxog waraysi isugu jiray la qaatay Guddoomiyaasha Xaafadaha , Ku-Xigeenadooda , Xoghayaasha , Agaasimayaasha, lataliyaasha, Madax qeybeedyada iyo shaqaalaha Maamulka Degmada Gaalkacyo.
Kulanka, ayaa warbixin guud oo waxqabadka iyo halka shaqadu marayso la xiriirta looga dhageystay Guddoomiyaasha shanta Xaafadood ee Wadajir , Howlwadaag, Garsoor , Horumar iyo Horseed iyo Agaasimayaasha waaxaha kala duwan ee Dowladda Hoose si loo dardar geliyo shaqada hortaala Mamulka Degmada, Meeshana looga saaro wixii gaabis ah oo jira.
Ugu dambeyn Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Cabdiraxmaan Shiikh Xasan, ayaa kula dardaarmay Guddoomiyaasha Xaafadaha, Agaasimayaasha iyo Dhammaan hawlwadeenada Dowladda hoose in ay dardar geliyaan shaqada hortaala sida nadaafadda, iftiiminta iyo bilic soo celinta Magaalada , Amniga , Canshuur aruurinta iyo horumarinta Waddooyinka dhismahooda socdaan, isagoo sheegay in masuul kasta lagula xisaabtamayo shaqada loo igmaday, qofkii kasoo bixi waaya hawshiisana talaabada ku haboon laga qaadi doono.