Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jayte Cusmaan oo ay wehliyaan Wasiiro ka tirsan dowlad goboleedka Hirshabeelle iyo saraakiil ciidan, ayaa gaaray deegaanka Teedaan oo todobaadkii hore laga xureeyay kooxaha argagaxisada ah ee Al-Shabaab.
Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa u kuur-galayay xaaladda nololeed ee ka jirta deegaanka, baahiyaha dadka deegaanka iyo adkeynta amniga, waxaana uu la kulmay Guddoomiyaha qeybaha kala duwan ee bulshada iyo dhallinyaro is abaabushay oo ciidanka qalabka sida garab ku siinayay dib u xureynta deegaannada gobolka Hiiraan.