Thursday, June 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Galmudug Oo Gaaray Deegaanka Cada Kibir

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
September 5, 2022
in Wararka
0
Madaxweynaha Galmudug Oo Gaaray Deegaanka Cada Kibir
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray deegaanka Cada Kibir ee gobolka Galgaduud, deegaankaas oo ay kooxda Argagixisada ah ka jareen isgaarsiinta iyo biyaha, kadib markii ay miinooyin ku xereen xarumaha isgaarsiinta iyo ceel biyood ay ka waraabayeen dadka iyo duunyada ku nool deegaanka Cada Kibir.

Madaxweynaha Galmudug ayaa warbixinno ka dhageestay Guddoomiyaha deegaanka iyo odayaasha dhaqanka, waxuuna halkaas kula kulmay ku dhawaad 150 qof oo dadka deegaanka ah, kuwaas oo iskood isku hubeeyay si ay iskaga dhiciyaan kooxda Argagixisada oo caadeesatay boobka hantida dadka iyo daadinta dhiiga shacabka, iyadoona iminka ay ku sii dareen in ay ceel biyoodyada miinooyin ku qarxiyaan xilli abaar baahsan ay ka jirto guud ahaan Soomaaliya.

Related posts

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda hoos mara

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda hoos mara

June 12, 2025
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan rasmi ah la yeeshay dhiggiisa Rwanda

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan rasmi ah la yeeshay dhiggiisa Rwanda

June 12, 2025

Madaxweyaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa sidoo kale sheegay in dadka Soomaaliyeed iyo argagixisadu aysan Soomaaliya kuwada noolaan karin, loona diyaar garoobo sidii la isaga kicin lahaa, looguna tagi lahaa deegaanada kooban ee ay ka joogaan Galmudug iyo guud ahaan Soomaaliya.

 

Madaxweynaha Galmudug ayaa ugu danbayn ku ammaanay shacabka iyo culimada deegaanka Cada Kibir sida ay ugu diyaar garoobeen inay argagixisadu uga difaacdaan deegaankooda iyo deegaanada hoostaga, waxuuna xusay in Galmudug ay had iyo goor garab taagantahay shacabka u hiillan inay iska dulqaadaan kooxaha argagixisada, iyadoo ay xusid mudantahay in maalin kadib markii argagixisadu ay adeegyada aasaasiga ah ka jareen deegaanka in madaxweynuhu uu u diray ciidamo deegaanka amnigiisa suga, kuwaas oo halkaasi ku sugnaa maalmihii lasoo dhaafay.

Previous Post

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Oo Bogaadiyay Bulshada Isu Taagtay Ladagaallanka Argagixisada

Next Post

Madaxweynaha Ruushka oo ku baaqay in wax laga qabto isbeddelka cimilada dunida ee sii xumaanaysa.

Next Post
Madaxweynaha Ruushka oo ku baaqay in wax laga qabto isbeddelka cimilada dunida ee sii xumaanaysa.

Madaxweynaha Ruushka oo ku baaqay in wax laga qabto isbeddelka cimilada dunida ee sii xumaanaysa.

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda hoos mara

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda hoos mara

June 12, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagu ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan rasmi ah la yeeshay dhiggiisa Rwanda

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan rasmi ah la yeeshay dhiggiisa Rwanda

June 12, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalam Cabdi Cali ayaa kulan rasmi ah la yeeshay...

Soomaaliya oo marti galinaysa Shirka Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Soomaaliya oo marti galinaysa Shirka Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

June 11, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo ah guddoomiyaha Madasha Iskaashida Dalalka Geeska Afrika ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku...

Wasiir Xoosh oo kulan la yeeshay Ergayga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya

Wasiir Xoosh oo kulan la yeeshay Ergayga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya

June 11, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku qaabilay Ergayga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In