Monday, January 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mareykanka oo ka walaacsan Abaaraha ka jira Soomaaliya

caqiil by caqiil
3 years ago
in Wararka
0
Mareykanka oo ka walaacsan Abaaraha ka jira Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

khabiirka arrimaha bini’aadanimada ee guddiga dib u eegista macluusha ayaa Toddobaadkan saadaaliyay in qaybo ka mid ah Soomaaliya ay u badantahay inay ka dhacdo macaluul, inta u dhaxaysa bilaha Oktoobar iyo Disembar, haddii aanan la gaarsiinin gargaar la taaban karo.

“Maraykanku wuxuu aad uga walaacsan yahay saadaashan aan wanaagsaneyn iyo baaxadda baahida guud ee ka jirto Soomaaliya, Macluusha imaan karta waa natiijada ka dhalaneysa arrimo isbiirsaday, isbeddelka cimilada ayaa weli kasii socda Geeska Afrika, dhacdooyinka la saadaalinaayo waa ku u eg kuwii ka dhacay gobalka 70 sano ka hor ” ayuu yiri la taliyaha Amniga Qaranka Mareykanka Jake Sullivan.

Related posts

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026

la taliyaha ayaa sidokale sheegay in Soomaaliya iyo dalalka deriska la ah aysan weli kasoo kabsan saameyntii uu reebay COVID-19.

“Waxaa intaa dheer, duullaankii Ruushka ee Ukraine wuxuu kordhiyey qiimaha cuntada iyo shidaalka, taas oo uga sii dartay baahida bini’aadanimo, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurmad gaarsiinta dadka ay sameyeen abaaraha” ayuu markale yiri Jake Sullivan.

Mareykanka ayaa sheegay in uu horay ugu deeqay si wax looga qabto abaaraha ka jira  Soomaaliya lagao gaaraya  $706 milyan oo dollar.

Previous Post

Dagaallo khasaare loogu geystay Al-shabaab oo ka dhacay gobolka Hiiraan

Next Post

Golaha Ammaanka QM oo Maanta kulan ka yeelanaya xaaladda Soomaaliya

Next Post
Golaha Ammaanka QM oo Maanta kulan ka yeelanaya xaaladda Soomaaliya

Golaha Ammaanka QM oo Maanta kulan ka yeelanaya xaaladda Soomaaliya

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan lagu soo bandhigayay Natiijada Qiimeynta iyo Hubinta Hufnaanta Qabashada, Xisaabinta iyo...

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belgium ayaa maanta qabtay muddaharaad ay kaga soo horjeedeen faragalinta qaawan Isra'iil ee ka dhanka ah...

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa galabnimadii Sabtida kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In