Friday, June 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Cadakibir: Ceel Ay Qarxiyeen Dhawaan Argagixisada Oo Dib Loo Hagaajiyay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Cadakibir:  Ceel Ay Qarxiyeen Dhawaan Argagixisada Oo Dib Loo Hagaajiyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ceelbiyoodkiii deegaanka Cadakibir oo ay dhawaan qarxiyeen kooxda Alshabaab ayaa galabta dib loo hagaajiyey, waxaana lagu guulaystay in laga biya gaaro.  Dad iyo duunyo muddo harraadanaa ayaana galabta biya ka cabay.

Guddoomiyaha deegaanka Cadakibir Daahir Daa’uud ayaa u sheegay warbaahinta Qaranka in maalmo ay ku mashquulsanaayeen sidii ceelbiyoodka oo ay ku tiirsaneed Cadakibir  iyo deegaano dhawr ah dib loogu hagaajin lahaa.

Related posts

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

June 18, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

June 17, 2026

Waxa uu u mahadceliyey Madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo xafiiskiisu kaalin wayn ka qaatay sidii dib loogu hagaajin lahaa ceelbiyoodka.

Daahir Daa’uud ayaa intaa ku daray inay ka shaqaynayaan sidii dib loogu soo celin lahaa bulshadii magaalada uga guurtay biyo la’aanta maadaama hadda ceelbiyoodkii shaqaynayo magaaladana ay joogaan ciidan dawladeed iyo macawislayda deegaanka oo u diyaarsan inay shabaab ku weeraraan meelaha ay joogaan, taas oo Cadakibir ka dhigaysa magaalo ammaan ah.

Dadka Deegaanka ayaa talaabadan ku tilmaamay mid lagu farxo, maadaama lagu guulaystay in dib loo hagaajiyo ceelkii dadka iyo duunyada ay ka biyo cabi jiree.

Previous Post

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee Kenya

Next Post

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka hadlay qorshaha dowladda ee dhinaca caafimaadka

Next Post
Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka hadlay qorshaha dowladda ee dhinaca caafimaadka

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka hadlay qorshaha dowladda ee dhinaca caafimaadka

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

June 18, 2026
0

Xoghaynta Ururka Goboleedka IGAD ayaa adkeysay sida ay uga go’an tahay ilaalinta madaxbannaanida, midnimada, wadajirka dhuleed, iyo madax bannaanida siyaasadeed...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

June 17, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay fanaanka Saalax Sanaag, Abwaan Cabdiraxmaan...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka jeediyey Shirka OOC11

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka jeediyey Shirka OOC11

June 17, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta khudbad ka jeediyay Shirweynaha 11-aad ee Our Ocean...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ee Afrika

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ee Afrika

June 17, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In