Tuesday, April 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

W/Shaqada iyo Arrimaha Bulshada DFS iyo Jubbaland oo xoojiyay iskaashiga Horumarinta mashruuca Sagal

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
4 years ago
in Wararka
0
W/Shaqada iyo Arrimaha Bulshada DFS iyo Jubbaland oo xoojiyay iskaashiga Horumarinta mashruuca Sagal
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxa mashruuca Sagal iyo la-taliyaal sare oo ka tirsan mashruuca ayaa toddobaadkan booqday magaalada Kismaayo ee xarunta kumeelgaarka ah ee Jubbaland.

Related posts

Dowladaha Soomaaliya iyo Netherlands oo Xoojinaya Iskaashigooda Istiraatiijiga ah.

Dowladaha Soomaaliya iyo Netherlands oo Xoojinaya Iskaashigooda Istiraatiijiga ah.

April 20, 2026
Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

April 20, 2026

Wada-hadallo ay la yeesheen Wasaaradda Shaqada ee Jubbaland iyo hay’adda NRC ee gaarsiinaysa Bulshada taageerrada ay ka helayaan mashruuca Sagal ayaa lagu gaaray Horumarinta mashruuca.

Jubbaland, waxaa ka billaabanaya diiwaangelinta ka faa’iideystayaasha qeyb kale oo ka tirsan mashruuca oo taageerro dhaqaale siinaya Dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Wasiirka Shaqada ee Jubbaland , Mudane Maxamed Axmed Cali oo Talaadadii xafiiskiisa ku qaabbilay madaxa mashruuca iyo la-taliyaha sare ee ka tirsan mashruuca ayaa sheegay inay Jubbaland gacan ka geysanayso horumarinta mashaariicda taageerraya Bulshada , wuxuu markaa tilmaamay barnaamijka Sagal oo ah mashruuc ay Dawladda fulineyso inuu door weyn ka qaadanayo ka jawaabida xaaladda bani’aadanimo ee ka jira gobolka.

Madaxa mashruuca Sagal , Maryan Maxamed Kaahiye ayaa dhankeeda sheegtay in Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Federaalka Soomaaliya ay ka go’antahay sidii shacabka loo gaarsiin lahaa taageerrada bulsho.

Mashruuca Sagal ayaa qeyb ka ah siyaasadda Ilaalinta Bulshada ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dawladda Federaalka Soomaaliya , waxaana lacago caddaan ah ka hela Dadka nugul gaar ahaan, qeybo ka mid ah hooyooyinta uurka leh, kuwa Carruurta korinaya , Dadka da’da ah iyo kuwa baahiyaha gaarka ah qaba ee ku nool deegaanno ka tirsan dhammaan Dawlad-gobolleedyada dalka.

Previous Post

Ciidanka Xoogga oo weeraray goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab

Next Post

Madaxda Qaranka oo Salaadda Jumcada ka dib Dalka si wadajir ah ugu duceeyay

Next Post
Madaxda Qaranka oo Salaadda Jumcada ka dib Dalka si wadajir ah ugu duceeyay

Madaxda Qaranka oo Salaadda Jumcada ka dib Dalka si wadajir ah ugu duceeyay

Dowladaha Soomaaliya iyo Netherlands oo Xoojinaya Iskaashigooda Istiraatiijiga ah.

Dowladaha Soomaaliya iyo Netherlands oo Xoojinaya Iskaashigooda Istiraatiijiga ah.

April 20, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Maxamed Cali, ayaa xarunta Wasaaradda...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

April 20, 2026
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

April 19, 2026
0

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa shir-guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee hoggaanka sare ee Wasaaradda...

Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

April 19, 2026
0

Shirweynihii Midowga Baarlamaanada Adduunka ee ka socday magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga ayaa maanta lasoo gaba gabeeyey, waxaana shirkaasi Soomaaliya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In