Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Mudane Biixi Iimaan Cige, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray ansixinta Manhajka Ilaalinta Bulshada, oo muhiimad u leh Siyaasadda qaran ee Ilaalinta Bulshada.
Xafladda ansixinta Manhajka Ilaalinta Bulshada , ayaa waxaa ka qeybgalay Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dawlad-gobolleedyada Dalka, wakiillo ka socday Jaamacadaha dalka, gobolka Banaadir iyo hay’adda UNICEF.
Wasiir Biixi Iimaan Cige, oo daahfuray munaasabadda ayaa sheegay in manhajka uu awood siinayo fulinta iyo fahanka Siyaasadda ilaalinta bulshada , iyadoo ujeeddaduna tahay in la helo muwaadiniin khibrad u leh Ilaalinta Bulshada (Social Protection).
“ Ilaalinta Bulshada , waa siyaasad dalka dhaxalsiisay in Bulshada Soomaaliyeed , kuwaado nugul adeeg bulsho iyo taageerro dhaqaale inay ka helaan Dawladda… Maanta xubnihiina muhiimka u ah Ilaalinta Bulshada ama Social Protection ee manhajka ka dooddaya – waxaan rajeynayaa inaad horseedaan taabo -gelinta fahanka iyo fulinta Ilaalinta Bulshada.”
Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa ansixiyay sannadkii 2019-kii Siyaasadda Ilaalinta Bulshada , taa oo lagu gaaray fulinta barnaamijka qaran ee taageerrada Qoysaska Nugul (Baxnaano) , wuxuu barnaamijkan si degdeg ah uga jawaabay xaaladaha deg degga ah ee ka dhashay Ayaxa iyo Abaarta , iyadoo markii horaba illaa 1.3 milyan oo qof ay ka faa’iideysanayeen taageerro dhaqaale oo barnaamijka uu siiyay Dadka nugul , sidoo kale mashruuca Sagal ayaa qeyb ka ah barnaamijyada Bulshada ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ay ka fuliso Dalka oo dhan.