Sunday, February 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo qaabbilay wafdi ka socday Hay’adda IOM

caqiil by caqiil
3 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo qaabbilay wafdi ka socday Hay’adda IOM
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane. Biixi Iimaan Cige, ayaa maanta xafiiska ku qaabbilay wafdi uu hoggaaminayay Agaasimaha Bariga iyo Geeska Afrika ee Hay’adda Socdaalka Adduunka ee (IOM), Mudane Maxamed Abdikheer.

Wasiirka iyo wafdiga ayaa wada-hadal ay yeesheen, waxaa diirrada lagu saaray xal u helida caqabadaha shaqo iyo socdaal ee ay wajahayaan Dhallinyarada Soomaaliyeed, saameynta abaaraha ee dalka ka jira, horumarinta mashaariicda taageeraya qoysaska nugul , dadka ku barakacay gudaha dalka iyo qaxootiga ku soo guryo noqonaya dalka.

Related posts

Shir Ku Aadan Isku-duwidda iyo Wada-shaqeynta Hay’adaha Dowladda oo Lagu Qabtay Muqdisho

Shir Ku Aadan Isku-duwidda iyo Wada-shaqeynta Hay’adaha Dowladda oo Lagu Qabtay Muqdisho

February 22, 2026
Ciidamada Xoogga Dalka oo hawlgallo qorshaysan ka wada degmada Xawaadley

Ciidamada Xoogga Dalka oo hawlgallo qorshaysan ka wada degmada Xawaadley

February 22, 2026

“Waxay muhiimad u leedahay IOM – qorshaha aan dooneyno in lagu gaaro isbeddelada shaqo la’aan ee Dhallinyarada , ka jawaabida xaaladaha deg degga, taageerraya Dadka ka soo laabanaya xeryaha qaxootiga iyo barakacayaasha gudaha . “ayuu yiri Wasiir Biixi.

Agaasimaha Bariga iyo Geeska Afrika ee hay’adda IOM , Mudane Maxamed Abdikheer oo boggaadiyay wada shaqaynta iyo dadaallada wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, wuxuu sidoo kale la wadaagay wasiirka warbixin guud oo la xiriirta howlgalka IOM ee Soomaaliya.

“ Waxaan sidoo kale ka wada-hadalnay inaan xoojinno xiriirkeenna gaar ahaan dhinacyada horumarinta fulinta qorshaha qaranka.” ayuu ku daray Maxamed Abdikheer.

Kulanka ayaa waxaa goob -joog u ahaa Wasiiru Dawlaha Wasaaradda , Mudane Yuusuf Maxamed Aadan, Wasiir ku-xigeenka ,Mudane Cismaan Libaax Ibraahim,Agaasimaha Guud, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali iyo saraakiil ka tirsan Wasaaradda iyo IOM.

Previous Post

Sargaal ka tirsan Ciidamada Israa’iil oo lagu dilay Jiniin

Next Post

Wasaaradda arrimaha gudaha oo baaq Nabadeed u dirtay beelo ku dagaalamay qeybo ka mid ah Galmudug

Next Post
Wasaaradda arrimaha gudaha oo baaq Nabadeed u dirtay beelo ku dagaalamay qeybo ka mid ah Galmudug

Wasaaradda arrimaha gudaha oo baaq Nabadeed u dirtay beelo ku dagaalamay qeybo ka mid ah Galmudug

Shir Ku Aadan Isku-duwidda iyo Wada-shaqeynta Hay’adaha Dowladda oo Lagu Qabtay Muqdisho

Shir Ku Aadan Isku-duwidda iyo Wada-shaqeynta Hay’adaha Dowladda oo Lagu Qabtay Muqdisho

February 22, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Cabdulqaadir Cali, ayaa guddoomiyay kulanka...

Ciidamada Xoogga Dalka oo hawlgallo qorshaysan ka wada degmada Xawaadley

Ciidamada Xoogga Dalka oo hawlgallo qorshaysan ka wada degmada Xawaadley

February 22, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ayaa wada howlgallo qorsheysan, kaas oo lagu beegsanayo maleeshiyaadka Khawaarijta ee ku dhuumaaleysanaya aagga deegaanka...

Tartamayaasha Deyniile oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Deyniile oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 22, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Horumarinta Mashruuca SRSP oo laga shiray

Horumarinta Mashruuca SRSP oo laga shiray

February 21, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Cilmi ayaa shir-guddoomiyay kulan Guddiga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In