Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa kulan gaar ah la qaatay dhiggiisa Dalka Masar , Mudane Xasan Shehata.
Kulanka oo ay sidoo kale goobjoog ka ahaayeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali iyo Safiirka Dawladda Soomaaliya ee Dalka Masar ahna wakiilka Jaamacadda Carabta, Ilyaas Sheekh Cumar ayaa looga hadlay horumarinta iskaashiga labada dhinac , tabbabarka Shaqaalaha , is dhaafsiga khibrada iyo sida loo dardargelin lahaa is-afgarad ay labada wasaaradood gaaraan.
Wasiirka Shaqada ee Masar, Mudane Xasan Shehata ayaa ugu horrayntii uga mahadceliyay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo wafdiga uu hoggaaminayo ka qeybgalka shirka 48aad ee Shaqada oo shalay ka furmay Qaahira, isagoo markaa xaqiijiyay inay ka goโantahay in la xoojiyo xiriirka si loo gaaro iskaashiga horumarin oo ku aaddan Shaqada.
Wasiir Biixi Iimaan Cige , ayaa dhankiisa sheegay in Dawladda Soomaaliya ay ka goโtahay horumarinta Shaqaalaha , siyaasadaha Shaqada iyo xal u helida dhibaatooyinka Shaqada ee Dhallinyarada , isagoo markaa sheegay iskaashiga Masar inuu door weyn ka qaadanayo dadaalladaa , wuxuu markaa ka mahadceliyay sida loogu soo dhaweeyay Dalka Masar.
โDadaallada waxay diiradda saarayaan xal u helida shaqo yari ee ay wajahayaan muwaadiniinteena iyo horumarinta Shaqaalaha Rayidka ee Dawladda .โ ayuu ku daray Wasiir Biixi.
Wasiirka ayaa sidoo kale kulamo dooceedyo la qaadanaya wasiirrada Shaqada 21 waddan ee ururka Jaamacadda Carabta oo ku sugan Qaahira , iyagoo ka qeybgalaya shirka 48-aad ee shaqada Carabta oo ay soo qaban qaabisay Ururka Shaqaalaha Carabta (ALO).