Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliaya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa kulan la qaatay Marwo Lisa Flipetto oo ah madaxa Xafiiska tageerada ee Qaramada Midoobay waxayna kawada hadleen sidii loo xoojin lahaa taakuleeynta Ciidanka XDS, gaar ahaan dhinaca howgalada ka socda qeyba ka mid ah dalka.
Wasiirka ayaa uga mahadceliyay doorkooda ku aaddan taageerida ay siiyaan Ciidamada Xoogga Soomaaliyeed.
Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliaya Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa la kulmay Ku xigeenka ergayga gaarka ah Midowga Africa ee Soomaaliya Marwo Fiona Lortan waxa ayna kawada hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga, loona dardargelin lahaa howgalada kadhanka ah ka dhanka ah maleeshiyaadka argagixisada Al-Shabaab.
Wasaaradda Gaashaandhigga kuwaasi oo laga xoreeyay degaanno badan oo ay horay gacanta ugu hayeen, sidoo kale Wasaaraddu waxay xoojisay tayeynta iyo kor u qaadidda awoodda Ciidanka Xoogga Dalka.