Monday, January 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Ka Hadlay khataraha Amniga Ee Qaarada Afrika

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Ka Hadlay khataraha Amniga Ee Qaarada Afrika
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa khudbad dheer ka jeediyay madasha Tana Forum oo sanadkan si gaar ah looga hadlayay sidii loo maareyn lahaa khataraha amniga ee soo wajahaya Qaaradda Afrika.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sheegay si caqabadaha heysta qaaradda wax looga qabto inay muhiim tahay bulshooyinka oo ah kuwa awoodda isbeddelka keena laga qaybgaliyo iyo in xoogga la saaro qaabkii la isugu xiri lahaa.

Related posts

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026

Ra’iisul Wasaare Xamse waxa uu tusaale u soo qaatay maahmaahda Soomaaliyeed ee ah “Rag Gogoshii Waa Nabad” taasi oo uu sheegay inay aasaas u tahay horumarka bulshooyinka qaaradda Afrika.

Waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku shaqeyneyso Hiigsiga Soomaali Heshiis Ah, Dunidana Heshiis La Ah, iyadoo ahmiyadda siineysa nabadda iyo amniga.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sheegay in Amniga ka sokow dhibaatooyinka heysta qaaradda ay ugu weyn yihiin saameynta isbeddelka cimilladu ku keentay dalal fara badan – oo Soomaaliya ay ka mid tahay.

Waxa uu ka hadlay guulaha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka gaareen la dagaallanka argagixisada oo Mudane Xamse uu sheegay in dhul baaxad weyn oo boqolaal kilomitir ah laga xorreeyay dhawrkii toddobaad ee ugu dambeeyay.

Mudane Xamse waxa u sheegay in dowladda Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeedba ay go’aansadeen sidii dalka looga ciribtiri lahaa Al-Shabaab iyada oo lagala dagaallamayo dhinac militeri, dhaqaale iyo fikirba.

Kulanka oo ay ka soo qeybgaleen Hoggaamiyeyaal iyo madax kale oo ka socota qaaradda Afrika iyo hey’ado caalami ah, ayaa lagu wadaa in berri la soo gabagabeeyo.




 

 

 

 

 

 

 

 

Previous Post

Cali Dheere Oo La Duldhigay Lacag Dhan 25,000

Next Post

Xuska Maalinta Caalimiga Ah Ee Faraxalka Oo Lagu Qabtay Baydhabo 

Next Post
Xuska Maalinta Caalimiga Ah Ee Faraxalka Oo Lagu Qabtay Baydhabo 

Xuska Maalinta Caalimiga Ah Ee Faraxalka Oo Lagu Qabtay Baydhabo 

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan lagu soo bandhigayay Natiijada Qiimeynta iyo Hubinta Hufnaanta Qabashada, Xisaabinta iyo...

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belgium ayaa maanta qabtay muddaharaad ay kaga soo horjeedeen faragalinta qaawan Isra'iil ee ka dhanka ah...

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa galabnimadii Sabtida kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In