Monday, April 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirkii Wasiirrada Shaqada Ee Federaalka iyo Dawlad-Goboleedyada Uga Socday Muqdisho Oo La Soo Gabagabeeyay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Shirkii Wasiirrada Shaqada Ee Federaalka iyo Dawlad-Goboleedyada Uga Socday Muqdisho Oo La Soo Gabagabeeyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Biixi Iimaan Cige ayaa maanta soo xiray shir labo maalin uga socday Muqdisho , wasiirrada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Federaalka iyo Dawlad-gobolleedyada.

Shirka ayaa muddada uu socday , waxaa looga hadlay , howlaha hortabinta iyo mudnaanta u leh arrimaha Shaqada, Shaqaalaha iyo Horumarinta Bulshada,iyadoo sidoo kalana dooddo laga yeeshay siyaabaha lagu dhimi karo shaqo la’aanta, laguna horumarin karo barnaamijyada taageerrada shaqada.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

April 19, 2026
Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

April 19, 2026

Si loo gaaro horumarin iyo isbeddelo bulsho, waxaa ay wasiirrada isku raaceen inay muhiimtahay kor u qaadista kaabayaasha Bulshada,waxaa kalo ay wasiirrada soo bandhigeen hannaanka lagu dhimayo nuglaata Bulshada ee saameynta ka dhalatay abaarta.

Shirkan waxaan ku gaarnay in la xoojiyo iskaashiga si wadajir ahna loo wajaho horumarinta  adeegyada Bulshada , siyaasadaha taageeraya shaqada iyo Ilaalinta Bulshada .” ayuu yiri Wasiir Biixi oo gabagabada shirka ka hadlay.

Wasiirrada ayaa ku ballamay joogteynta kulamada wasiirrada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee heer federaal iyo Dawlad-gobolleedyada, si looga miro-dhaliyo qorshayaasha waxtarka u leh Bulshada.

Labada maalin ee uu shirka socday waxaa ka qeybgalay wasiiru Dawlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Mudane Yuusuf Maxamed Aadan, Wasiir ku-xigeenka ,Mudane Cismaan Libaax Ibraahim, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Jubbaland , Mudane Axmed Maxamed Cali , Wasiirka Shaqada ,Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland, Cabdiraxmaan Caydiid Ibraahim, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Hirshabeelle ,Mudane Maxamed Sheekh Cali Salaad iyo Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Koonfurgalbeed , Mudane Cabdiqaadir Cumar Cabdullaahi (Baasto).

Previous Post

Madaxweynaha Dalka Oo Billad Sharaf Guddoonsiiyay Xulka Qaranka 17Jirrada “SAWIRRO”

Next Post

Guddoomiye Makaraan Oo La Kulmay Dhallinyaro U Diyaar Garoobay La Dagaallanka Argagixisada Al-Shabaab

Next Post
Guddoomiye Makaraan Oo La Kulmay Dhallinyaro U Diyaar Garoobay La Dagaallanka Argagixisada Al-Shabaab

Guddoomiye Makaraan Oo La Kulmay Dhallinyaro U Diyaar Garoobay La Dagaallanka Argagixisada Al-Shabaab

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

April 19, 2026
0

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa shir-guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee hoggaanka sare ee Wasaaradda...

Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

April 19, 2026
0

Shirweynihii Midowga Baarlamaanada Adduunka ee ka socday magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga ayaa maanta lasoo gaba gabeeyey, waxaana shirkaasi Soomaaliya...

Midowga Africa oo si adag  uga horyimi Safiirka Israa’iil u soo magacaawday maamulka Soomaaliland

Midowga Africa oo si adag uga horyimi Safiirka Israa’iil u soo magacaawday maamulka Soomaaliland

April 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Midowga Afrika ayaa si adag uga horyimid safiirka ay Israa'iil u soo magacaawday maamulka Soomaaliland,tallaabadaas oo dhalisay hadal-hayn siyaasadeed...

Wasiirka Gaashaandhigga oo xilka u kala wareejiyey Xoghayaha cusub ee Wasaaradda midkii hore

Wasiirka Gaashaandhigga oo xilka u kala wareejiyey Xoghayaha cusub ee Wasaaradda midkii hore

April 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xilka u kala wareejiyey Xoghayaha cusub ee Wasaaradda, Mudane Yuusuf Cali...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In