Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Ganacsiga Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Ganacsiga Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jibriil Cabdirashid Xaaji ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS Maxamuud Cabdiraxmaan Beene Beene oo ay ka wada-hadleen siddii labada dhinac ba ay uga wada shaqeyn lahaayeen horumarinta iyo dhiiri-gelinta Maal-gashiga dalka, gaar ahaan dhinacyada shuruucda, siyaasadaha iyo Istaraatjiyadaha lagu horumarinayo Maal-gashiga.

Kulanka Wasiirada oo ay ku wehelinayeen Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Ahna guddoomiyaha Guddiga Maalgashiga Shisheeye Md. Abdiaziz Ibrahim Adan iyo Agaasimaha Waaxda Dhiiri-gelinta Maal-gashiga ee Wasaaradda Qorsheynta Mudane Maxamed Dhuboow, ayaa waxay labada dhinac ba isla-garteen in labada Wasaaraddooda ba ay si wada-jir ah uga wada-shaqeeyaan Shir-weynaha Caalamiga ah ee Maal-gashiga Soomaaliya oo dhawaan ka qabsoomi doona Muqdisho kaas oo ahmiyad weyn u leh ganacsiga, dhaqaalaha iyo shaqo abuurka dalka.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Wasiiradu, waxay hoosta ka xariiqeen in ay aad u ballaaran yihiin fursadaha ganacsi iyo maal-gashi ee ka jira gudaha Soomaaliya kuwaas oo u baahan in ka dawlad ahaan loo waajaho si wada-jir ah si maal-gashadeyaasha caalamiga ah iyo kuwa gudahu ba ay dalka uga sameeyaan Maal-gashiyo waaweyn oo abuura ganacsiyo hor leh, kobac dhaqaale iyo shaqo abuur inta ba, waxaana ay muujiyeen sida ay uga go’an tahay dhiiri-gelinta Maal-gashiga dalka.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Dalka Djibouti Kulan Kula Qaatay Dhiggiisa Dalkaas

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Khudbad Ka Jeediyey Shirka Isbedelka Cimilada Adduunka Ee Masar

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Khudbad Ka Jeediyey Shirka Isbedelka Cimilada Adduunka Ee Masar

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Khudbad Ka Jeediyey Shirka Isbedelka Cimilada Adduunka Ee Masar

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In