Thursday, July 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Ganacsiga Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
November 8, 2022
in Wararka
0
Wasiirka Ganacsiga Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jibriil Cabdirashid Xaaji ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS Maxamuud Cabdiraxmaan Beene Beene oo ay ka wada-hadleen siddii labada dhinac ba ay uga wada shaqeyn lahaayeen horumarinta iyo dhiiri-gelinta Maal-gashiga dalka, gaar ahaan dhinacyada shuruucda, siyaasadaha iyo Istaraatjiyadaha lagu horumarinayo Maal-gashiga.

Kulanka Wasiirada oo ay ku wehelinayeen Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Ahna guddoomiyaha Guddiga Maalgashiga Shisheeye Md. Abdiaziz Ibrahim Adan iyo Agaasimaha Waaxda Dhiiri-gelinta Maal-gashiga ee Wasaaradda Qorsheynta Mudane Maxamed Dhuboow, ayaa waxay labada dhinac ba isla-garteen in labada Wasaaraddooda ba ay si wada-jir ah uga wada-shaqeeyaan Shir-weynaha Caalamiga ah ee Maal-gashiga Soomaaliya oo dhawaan ka qabsoomi doona Muqdisho kaas oo ahmiyad weyn u leh ganacsiga, dhaqaalaha iyo shaqo abuurka dalka.

Related posts

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

July 10, 2025
Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

July 10, 2025

Wasiiradu, waxay hoosta ka xariiqeen in ay aad u ballaaran yihiin fursadaha ganacsi iyo maal-gashi ee ka jira gudaha Soomaaliya kuwaas oo u baahan in ka dawlad ahaan loo waajaho si wada-jir ah si maal-gashadeyaasha caalamiga ah iyo kuwa gudahu ba ay dalka uga sameeyaan Maal-gashiyo waaweyn oo abuura ganacsiyo hor leh, kobac dhaqaale iyo shaqo abuur inta ba, waxaana ay muujiyeen sida ay uga go’an tahay dhiiri-gelinta Maal-gashiga dalka.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Dalka Djibouti Kulan Kula Qaatay Dhiggiisa Dalkaas

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Khudbad Ka Jeediyey Shirka Isbedelka Cimilada Adduunka Ee Masar

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Khudbad Ka Jeediyey Shirka Isbedelka Cimilada Adduunka Ee Masar

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Khudbad Ka Jeediyey Shirka Isbedelka Cimilada Adduunka Ee Masar

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

July 10, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

July 10, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey xubnaha Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka,...

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

July 10, 2025
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa Maxkamadda Xisaabta ee Jamhuuriyadda Turkiga (TCA), ayaa magaalada Ankara ku kala...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo wada yeeshay kulan lagu xoojinayay iskaashiga dhijitaalkaa ah.

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo wada yeeshay kulan lagu xoojinayay iskaashiga dhijitaalkaa ah.

July 10, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Aadan Macallin (Soomaali), ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Wasiirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In