Sunday, November 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Khudbad Ka Jeediyey Shirka Isbedelka Cimilada Adduunka Ee Masar

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Khudbad Ka Jeediyey Shirka Isbedelka Cimilada Adduunka Ee Masar
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad ka jeediyay shirka caalamiga ah ee isbeddelka Cimilada Adduunka (COP27) oo ka socda dalka Masar ayaa diiradda ku saaray sida isbeddelka Cimiladu uu u saameysay Adduunka iyo xaaladaha baniโ€™aadannimo ee ka dhashay ee shacabka Soomaaliyeed ay wajahayaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in dalalka ka qeyb-galaya shirkan ay la yimaadaan qorsheyaal ku dhisan iskaashi horseed u noqda wax ka qabashada saamaynta isbeddelka Cimiladu uu ku yeeshay Adduunka, waxa uuna adkeeyay gurmadka ay u baahan yhiin dadka Soomaaliyeed ee Abaaruhu saameeyeen.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo furay Habraaca Wadashaqeynta Booliiska iyo Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta oo furay Habraaca Wadashaqeynta Booliiska iyo Warbaahinta

November 29, 2026
๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐๐š๐š๐ก-๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐š๐ฒ ๐จ๐ฅ๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š Q๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐ญ๐š๐ฅ๐ฅ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐‚๐ข๐ซ๐ข๐›๐ญ๐ข๐ซ๐ค๐š ๐‚๐ฎ๐๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐š๐›๐š๐ฒ๐ฌ๐ก๐š

November 28, 2026

โ€œSannadkan aan ku jirno in ka badan siddeed boqol oo milyan oo qofย  oo Afrikaan ah ayaa waxaa heysta cunto yari. Soomaaliya gudaheedana, in ka badan 7 milyan oo qof ma dabooli karaan baahiyahooda cunto ee aasaasiga ah waxayna u baahan yihiin gargaar bani’aadamnimo oo degdeg ah. Waxaan u baahanahay in aan is waydiino sababta? Jawaabtu waa isbeddelka Cimilada iyo colaaddaโ€.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xusay in uu dalkeenu u nugul yahay isbeddelka Cimilada, ayaa sheegay in si wax looga qabto saameynta xooggan ee la xiriirta arrintaas ay Dowladda Soomaaliya abuurtay Wasaaradda degaanka iyo isbeddelka Cimilada, sidoo kalana daah-furtay Hindise lagu dhireynayo Soomaaliya.

โ€œSoomaaliya waxaa soo food saartay dhibaato biniโ€™aadinimo oo aan inta awooddeena ah isku dayeyno in aan wax ka qabanno, taas oo ka dhalatay Abaaraha soo noqnoqda. Waxa kale oo na soo maray daadad baโ€™an kuwaas oo baabiโ€™iyay kaabayaashii dhaqaalaha, dhul beereedkii ugu fiicnaa iyo sidoo kale hab-nololeedkii bulshadeenna. Dadkeenu ma awoodaan in ay beertaan dalagyada Abaarta jirta awgeedโ€.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu dambeyn sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka goโ€™antahay dhismaha mustaqbal dhaqaale oo xasilloon, iyada oo laga faaโ€™iideysanayo dhaqaalaha badda iyo fursadda beeraha ayaa xoojiyay ahmiyadda ay leedahay in dalalka Adduunku ay maanta muujiyaan isku-tiirsanaan, iyada oo aan loo eegin dal horumaray iyo mid soo karaya, si loo maareeyo duruufaha baniโ€™aadannimo ee dadka dunidu ay wajahayaan.

Previous Post

Wasiirka Ganacsiga Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya

Next Post

Wasiir Fiqi oo kulan la qaatay wafdi ka socday QM

Next Post
Wasiir Fiqi oo kulan la qaatay wafdi ka socday QM

Wasiir Fiqi oo kulan la qaatay wafdi ka socday QM

Wasiirka Warfaafinta oo furay Habraaca Wadashaqeynta Booliiska iyo Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta oo furay Habraaca Wadashaqeynta Booliiska iyo Warbaahinta

November 29, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta Muqdisho ka daah-furay Habraaca Wadashaqeynta...

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐๐š๐š๐ก-๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐š๐ฒ ๐จ๐ฅ๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š Q๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐ญ๐š๐ฅ๐ฅ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐‚๐ข๐ซ๐ข๐›๐ญ๐ข๐ซ๐ค๐š ๐‚๐ฎ๐๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐š๐›๐š๐ฒ๐ฌ๐ก๐š

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐๐š๐š๐ก-๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐š๐ฒ ๐จ๐ฅ๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š Q๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐ญ๐š๐ฅ๐ฅ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐‚๐ข๐ซ๐ข๐›๐ญ๐ข๐ซ๐ค๐š ๐‚๐ฎ๐๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐š๐›๐š๐ฒ๐ฌ๐ก๐š

November 28, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo Daah-furay Olalaha Qaran ee Tallaalka Ciribtirka Cudurka Dabaysha, ayaa...

Guddoomiyaha SoDMA  oo kulan miro-dhal ah la qaatay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan miro-dhal ah la qaatay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug

November 28, 2026
0

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo safar shaqo ku jooga caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb,...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan muhiim ah la yeeshay Agaasimaha Hayโ€™adda Socdaalka

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan muhiim ah la yeeshay Agaasimaha Hayโ€™adda Socdaalka

November 28, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta xarunta Wasaaradda kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In