Wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska xukuumadda federaalka ayaa maanta oo sabti ah tababar u furtay 30-saxafi oo ka kala socda warbaahinta dawladda, dalwlada gobaleedyada iyo warbaahinta gaarka ah ee magaalada Muqdisho.
Wasiirka warfaafinta Daaโuud Aweys Jaamac oo tababarka ku saabsanaa tabinta xaaladaha biniโaadannimo u furay saxafiyiinta ayaa kula dardaarmay in ay masโuuliyad ka saaran tahay in bulshada u gudbiyaan fariimaha saxda ah ee la doonayo in ay helaan, kana wacyi-geliyaan dhibaatooyinka jira.
Sidoo kale, Agaasimaha waaxda shaqaalaha iyo tababarada ee wasaaradda. Cabdiraxiin Ciise Caddow oo sharaxaad kooban ka bixiyay muhiimadda tababarkan ayaa sheegay in muddada 3-cisho ah ee uu socdo lagu baran doono tebinta wararka la xiriira arrimaha bini-aadanimada iyo wararka deg dega ah.
Wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ku bixineysa sidii kor loogu qaadi lahaa xirfadda iyo tayada wariyeyaasha Soomaaliyeed si ay Bulshada u adeegayaan uguna gudbiyaan warar sugan oo xaqiiqda ku saleysan.