Thursday, October 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xuska Maalinta Oof-wareenka Adduunka Oo Lagu Qabtay Baydhabo “SAWIRRO”

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
4 years ago
in Wararka
0
Xuska Maalinta Oof-wareenka Adduunka Oo Lagu Qabtay Baydhabo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabada xuska maalinta caalamiga ah ee Oof-wareenka Adduunka oo la xuso sanad walbo 12 November si bulshada looga wacyigeliyo loona xasuusiyo qataraha oof-wareenka uu u lee yahay carruurta.

Munaasabada oo ka qabsoontay Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka soo qeybgalay qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka, madax ka socotay hay’adaha ka howlgala Magaalada Baydhabo iyo Dhaqaatir iyo shaqaale caafimaad oo ka socday xarumaha caafimaadka ee ku yaal Magaalada Baydhabo.

Related posts

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

September 30, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

September 30, 2026

Ugu horreyn, Agaasimaha waaxda Caafimaadka Guud iyo Xakameynta Cudurada ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Cabdirashiid Cabdiqaadir Bujeeti oo furey munaasabada,ayaa ku dheeraadey muhiimada maalintan ay u leedahay bahda Caafimaadka iyo in la is xasuusiyo cudurka oof-wareenka oo dhibaato ba’an kuhaya Carruurta isla markaana wacyigelin muhiim ah lala wadaago bulshada.

Agaasimaha waaxda Caafimaadka Qoyska iyo Bukaan Socodka Drs Naciimo Axmed Caddow, ayaa ka sheekeysay muhiimada Maalintan ay leedahay bahda Caafimaadka in ay iska wareystaan cudurkaan halista ah ee oo wareenka isla markaana bulshada lala wadaago halista uu lee yahay laguna wacyigeliyo waxayna ka codsatay dhamaan bahda caafimaadka in ay ka shaqeeyaan yarenta halista cudurkaan.

Qaar ka mid ah dhaqaatiirta Caafimaad ee ka soo qeybgashay munaasabada, ayaa ka soo qeybgalayaasha u sharaxay halista cudurkaan, qaababka ugu haboon ee looga hortago, calaamadaha uu leeyahay iyo sida loola tacaalo bukaanada uu soo ridto.

12 November sanad walba waxaa Adduunka looga dabaal degaa Maalintaan Caalamiga ah ee Oofwareenka, iyadoo dhakhaatiirta iyo bahda caafimaadka caalamka munaasabadaha ay ka qeybgalaan ku soo bandhigaan daraasado ay ku sameeyaan cudurkan oo si weyn ugu faafay caalamka, iyadoo munaasabada looga arinsaday sidii loo yareyn lahaa isla markaana loogu wacyigelin lahaa bulshada.

Tags: Xuska Maalinta Oof-wareenka Adduunka Oo Lagu Qabtay Baydhabo "SAWIRRO"
Previous Post

Guddoomiyaha Golaha Shacab Oo Kulan La Qaatay Guddoomiyaha G.Hiiraan

Next Post

Wasiirka Isgaarsiinta Oo Furay Shirka Wada-xaajoodka Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka

Next Post
Wasiirka Isgaarsiinta Oo Furay Shirka Wada-xaajoodka Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka

Wasiirka Isgaarsiinta Oo Furay Shirka Wada-xaajoodka Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

September 30, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta qaabilay Safiirka cusub ee...

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

September 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta safar shaqo ku tagay dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti...

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

September 30, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa furay doorashooyinka Galmudug iyo HirShabeelle oo...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In