Thursday, November 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xuska Maalinta Oof-wareenka Adduunka Oo Lagu Qabtay Baydhabo “SAWIRRO”

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Xuska Maalinta Oof-wareenka Adduunka Oo Lagu Qabtay Baydhabo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabada xuska maalinta caalamiga ah ee Oof-wareenka Adduunka oo la xuso sanad walbo 12 November si bulshada looga wacyigeliyo loona xasuusiyo qataraha oof-wareenka uu u lee yahay carruurta.

Munaasabada oo ka qabsoontay Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka soo qeybgalay qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka, madax ka socotay hay’adaha ka howlgala Magaalada Baydhabo iyo Dhaqaatir iyo shaqaale caafimaad oo ka socday xarumaha caafimaadka ee ku yaal Magaalada Baydhabo.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Uganda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Uganda

November 13, 2025
Guddoomiye kuxiyeenka labaad ee Golaha Shacabka oo shir Guddoomiyay Kulanka guddiga joogtada. 

Guddoomiye kuxiyeenka labaad ee Golaha Shacabka oo shir Guddoomiyay Kulanka guddiga joogtada. 

November 13, 2025

Ugu horreyn, Agaasimaha waaxda Caafimaadka Guud iyo Xakameynta Cudurada ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Cabdirashiid Cabdiqaadir Bujeeti oo furey munaasabada,ayaa ku dheeraadey muhiimada maalintan ay u leedahay bahda Caafimaadka iyo in la is xasuusiyo cudurka oof-wareenka oo dhibaato ba’an kuhaya Carruurta isla markaana wacyigelin muhiim ah lala wadaago bulshada.

Agaasimaha waaxda Caafimaadka Qoyska iyo Bukaan Socodka Drs Naciimo Axmed Caddow, ayaa ka sheekeysay muhiimada Maalintan ay leedahay bahda Caafimaadka in ay iska wareystaan cudurkaan halista ah ee oo wareenka isla markaana bulshada lala wadaago halista uu lee yahay laguna wacyigeliyo waxayna ka codsatay dhamaan bahda caafimaadka in ay ka shaqeeyaan yarenta halista cudurkaan.

Qaar ka mid ah dhaqaatiirta Caafimaad ee ka soo qeybgashay munaasabada, ayaa ka soo qeybgalayaasha u sharaxay halista cudurkaan, qaababka ugu haboon ee looga hortago, calaamadaha uu leeyahay iyo sida loola tacaalo bukaanada uu soo ridto.

12 November sanad walba waxaa Adduunka looga dabaal degaa Maalintaan Caalamiga ah ee Oofwareenka, iyadoo dhakhaatiirta iyo bahda caafimaadka caalamka munaasabadaha ay ka qeybgalaan ku soo bandhigaan daraasado ay ku sameeyaan cudurkan oo si weyn ugu faafay caalamka, iyadoo munaasabada looga arinsaday sidii loo yareyn lahaa isla markaana loogu wacyigelin lahaa bulshada.










 

 

 

 

Tags: Xuska Maalinta Oof-wareenka Adduunka Oo Lagu Qabtay Baydhabo "SAWIRRO"
Previous Post

Guddoomiyaha Golaha Shacab Oo Kulan La Qaatay Guddoomiyaha G.Hiiraan

Next Post

Wasiirka Isgaarsiinta Oo Furay Shirka Wada-xaajoodka Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka

Next Post
Wasiirka Isgaarsiinta Oo Furay Shirka Wada-xaajoodka Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka

Wasiirka Isgaarsiinta Oo Furay Shirka Wada-xaajoodka Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Uganda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Uganda

November 13, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow...

Guddoomiye kuxiyeenka labaad ee Golaha Shacabka oo shir Guddoomiyay Kulanka guddiga joogtada. 

Guddoomiye kuxiyeenka labaad ee Golaha Shacabka oo shir Guddoomiyay Kulanka guddiga joogtada. 

November 13, 2025
0

Guddoomiye kuxiyeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyey kulanka guddiga joogtada...

Taliyaha Ciidanka Dhulka iyo Agaasimaha Wasaaradda Awqaafta oo dhagax dhigay Masaajid cusub.

Taliyaha Ciidanka Dhulka iyo Agaasimaha Wasaaradda Awqaafta oo dhagax dhigay Masaajid cusub.

November 13, 2025
0

Munaasabadda dhagax-dhigga masaajidka cusub ee laga dhisayo Taliska Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyaha...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay heshiisyo is-afgarad ah oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Sacuudiga .

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay heshiisyo is-afgarad ah oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Sacuudiga .

November 13, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa ansixiyey heshiisyo Is-afgarad ah oo u dhexeeya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In