Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Isgaarsiinta Oo Furay Shirka Wada-xaajoodka Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
November 12, 2022
in Wararka
0
Wasiirka Isgaarsiinta Oo Furay Shirka Wada-xaajoodka Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jaamac Xasan Khaliif, ayaa maanta furay Shir ay ka soo qeybgaleen madaxda Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka, waxaana looga hadlay sida Shirkadaha ugu wada-xaajoon lahaayeen arrimaha khuseeya isku-xirka iyo dhaqan-galinta qodobka 49-aad ee xeerka Isgaarsiinta Qaranka iyo xeer-nidaamiyaha isku-xirka (interconnection regulation) oo faraya shirkadaha isgaarsiinta inay iswici karaan maadaama Shacabka Soomaaliyeed ay baahi weyn u qabaan.

Mudane Jaamac Xasan Khaliif Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ayaa ugu horeyn bogaadiyey Shirkadaha Isgaarsiinta shaqada Wanaagsan ay u hayaan Dalka…”Maadaama ay tahay dan guud oo waajib ku ah dhammaan shirkadaha isgaarsiinta waxaa muhiim ah in labilaabo Shirkadaha gudaha in ay iswacaan, Wasaaradda waxaa waajib ka saaranyahay in ay Ilaaliso kuna difaacdo dhanka Sharciga Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka oo kaalin weyn ugu jira Dhaqaalaha Dalka,…ayuu yiri Wasiir Jaamac.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025

Mustafa Yaasin Sheikh ku-xigeenka Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa sidoo kale Shirkadaha ku adkeeyey in howshaan si deg deh ah u dhamaato.

Shirka Wada-xaajoodka Shirkadaha oo socondoono muddo saddax maalmood ah ayaa waxaa laga soo saaridoonaa qodobo muhiim ah, waxaana dhawaan la daah-furidoonaa Isku-xirka Shirkadaha oo shacabka Soomaaliyeed ay ka kaaftoomilahaayeen in ay qaataan dhowr Sim-card.




Tags: Wasiirka Isgaarsiinta Oo Furay Shirka Wada-xaajoodka Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka
Previous Post

Xuska Maalinta Oof-wareenka Adduunka Oo Lagu Qabtay Baydhabo “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Qorsheynta Oo La Kulmay Ku-xigeenka Wakiilka QM Ee Soomaaliya

Next Post
Wasiirka Qorsheynta Oo La Kulmay Ku-xigeenka Wakiilka QM Ee Soomaaliya

Wasiirka Qorsheynta Oo La Kulmay Ku-xigeenka Wakiilka QM Ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u qaabilsan...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka...

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

July 14, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir Guddoominaya kulanka ay yeelanayaan Wasiirada Maaliyadda Madasha dalalka...

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

July 14, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Aden, ayaa maanta si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In