Taliska Ciidanka Booliska degmada Kaaraan ayaa gacanta kusoo dhigay xalay saqdii dhexe eedeysane 24-kii saac ee lasoo dhaafay lagu faafiyey muuqaalkiisa baraha bulshada isaga oo tacadi u geysanaya gabdho aan qaangaar aheyn.
Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Gen. Zakiyo Xuseen ayaa sheegtay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Xuseen Xasan Gaabow ciidanku soo qabteen kadib markii shacabka degmada ay soo gudbiyeen xogtiisa, isla markaana sharcigga la horgeyn doono.