Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay dagaalka lagulajiro Khawaarijta

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay dagaalka lagulajiro Khawaarijta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daaโ€™uud Aweys Jaamac oo wareysi dhinacyo badan leh siiyay wakaaladda wararka Sputnik ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay hadda xoogeeda isagu geeysay sidii dalka looga xoreyn lahaa kooxda Khawaarijta ah ee caadeysatay daadinta dhiiga dadka rayidka .

Wasiirka ayaa ka hadlay caqabada ay la kulantay xukuumadda cusub markii ay xilka la waareegtay kuwaas oo ay ugu weynaayeenย  caqabadaha dhanka amniga iyo dhanka abaaraha.

Related posts

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

September 28, 2026
๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ญ๐š๐›๐š๐›๐š๐ซ ๐ฎ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ซ๐ž๐ฒ ๐ƒ๐ฎ๐Ÿ๐œ๐š๐๐๐ข๐ข ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐Š๐ฎ๐ฆ๐š๐š๐ง๐๐จ๐จ๐ฌ๐ค๐š ๐ƒ๐š๐ง๐š๐›ย 

Wasiir Daaโ€™uud ayaa yiri: โ€œdowladdu waxay ku dadaalaysaa sidii ay ula dagaalami lahayd argagaxisada, oo aan doonayno inaan ka ciribtirno Soomaaliya, waayo haddaan la iska saarin argagaxisada, lagama shaqeyn karo barnaamijyada kale ee horumarineedโ€.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in qorshaha dowladdu kula dagaaleyso aragagixsida yahay mid seddex geesooda ah, kuwaas oo kala ah dagaalka tooska ah ee ciidan, dagaal dhaqaale iyo dagaalka fikirka .

Mudane Daaโ€™uud Aweys ayaa carrabka ku adkeeyay in kooxda Khawaarijta ah ay ka been abuurtay diinteena islaamka, isagoo soo daliishaday sida ay u xalaaleysteen daadinta dhiigga dadka rayidka iyo boobka hantida daweynaha.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in kooxdaan aragagixsada ah ay geystay falal ka baxsan bini aadanimada kadib markii ay duugtay ama sumeysay ceelal biyoodyo iyada oo ay dalka ka jirto abaar saameysay dadka iyo xoolaha.

Wasiirrka warfaafinta ayaa dhanka kale shegay in dalka ay ka jirto abaar baahsan taas oo u baahan in wax laga qabto, isaga oo xusay in kaalmo iyo caawinaad kasoo gaartayย  qaar ka ka mid ah dowladahaย  Islmaamka iyo heyโ€™adaha caalamiga ah.

Wasiirka ayaa yiri: โ€œ Abaartu waa masiibo dabiici ah, taas oo qayb ka ahย  dhibaatooyinka ka dhashayย  isbedalka cimilada ee ka jiraย  dunida oo dhanโ€.

Previous Post

RW Xamse oo magacaabay Maareeyaha Guud ee Hayโ€™adda Isgaarsiinta

Next Post

Golaha Wasiiradda XFS oo ansixiyey laba Hindise Sharciyeed

Next Post
Golaha Wasiiradda XFS oo ansixiyey laba Hindise Sharciyeed

Golaha Wasiiradda XFS oo ansixiyey laba Hindise Sharciyeed

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

September 28, 2026
0

Magaalada Edmonton gobolka Alberta ee dalka Canada ayaa waxaa lagu qabtay munaasabad aad u ballaaran oo ay kasoo qeybgaleen Aqoonyahanno...

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ญ๐š๐›๐š๐›๐š๐ซ ๐ฎ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ซ๐ž๐ฒ ๐ƒ๐ฎ๐Ÿ๐œ๐š๐๐๐ข๐ข ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐Š๐ฎ๐ฆ๐š๐š๐ง๐๐จ๐จ๐ฌ๐ค๐š ๐ƒ๐š๐ง๐š๐›ย 

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ญ๐š๐›๐š๐›๐š๐ซ ๐ฎ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ซ๐ž๐ฒ ๐ƒ๐ฎ๐Ÿ๐œ๐š๐๐๐ข๐ข ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐Š๐ฎ๐ฆ๐š๐š๐ง๐๐จ๐จ๐ฌ๐ค๐š ๐ƒ๐š๐ง๐š๐›ย 

September 28, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Dugsiga Tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure tababar ugu soo...

Guddoomiyaha Hayโ€™adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hayโ€™adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
0

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Hayโ€™adda kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
0

Waxaa Degmada Guriceel ka qabsoomay kulan iyo olole ballaaran oo lagu taageerayey musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran ee u taagan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In