Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa booqasho rasmi ah ku tegay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya
Wafdiga Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Addis Ababa ku soo dhaweeyay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee dalka Itoobiya iyo Saraakiil ka tirsan wasaaradda difaaca Itoobiya.
Wasiirka oo ay wehliyaan mas’uuliyiin kala duwan ayaa kulamo la qaadan doona Madaxda sare ee dalkaas Itoobiya, isaga oo kala hadli doona arrimo la xiriira dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka Khawaarijta.