Monday, May 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir Looga Hadlaayo Dhaqaalaha Buluuga ah Oo Dhacay Magaalada Mazara del Vallo

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo dhaqaalaha Buluuga ah ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cali Ifiye Cali, ayaa Magaalada Mazara del Vallo ee dalka Talyaaniga kaga qeybgalay shir looga hadlaayay dhaqaalaha Buluuga ah iyo sidii looga sameyn lahaa horumarka joogta ah.

Inta shirka uu socday waxaa la qabtay doodo ku saabsan dhaqaalaha Buluuga ah iyo sida ay kaga faa’iideysan karaan bulshooyinka ku nool wadamada xeebaha leh ee Afrika.

Related posts

Soomaaliya oo soo dhaweysay bayaan wadareedka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Islaamka ee Qarannimada Soomaaliya

Soomaaliya oo soo dhaweysay bayaan wadareedka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Islaamka ee Qarannimada Soomaaliya

May 24, 2026
Bayaan wadajir ah oo lagu cambaareynayo furitaanka sharci-darrada ah ee waxa loogu yeeray “Safaaradda Somaliland” ee Magaalada Qudus

Bayaan wadajir ah oo lagu cambaareynayo furitaanka sharci-darrada ah ee waxa loogu yeeray “Safaaradda Somaliland” ee Magaalada Qudus

May 24, 2026

Waxyaabaha diirada lagu saaray waxaa ka mid ah.

Joojinta Xaalufinta kheyraadka badda, ka hortagga ka faa’iideysiga sharci darada ah, wasaqeynta Biyaha, Isbedelka Cimilada iyo luminta noolaha Badda, iyo Muhiimada ay dalalka Afrika ee xeebaha leh ay u leedahay.

Wasiir Cali Ifiye, ayaa shirka ka jeediyay khudbad uu kaga hadlaayay sida ay Xukuumadda Dan Qaran kaga go’an tahay horumarinta iyo ka faa’iideysiga dhaqaalaha Buluuga ah.

Mas’uuliyiintii uu la kulmay waxa uu kala hadlay sida ay muhiim u tahay maalgashiga Soomaaliya iyo taageerada la xiriira ka faa’iideysiga dhaqaalaha Buluuga ah.

Shirka, ayaa waxaa ka qeybgalay masuuliyiin ka socday dowladaha kala ah Kenya, Uganda, Tunisia, Mauritania iyo dowladda Talyaaniga oo shirka marti gelisay.

Wasiir Cali Ifiye waxaa shirka kala qeyb galay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Isaaq Maxamuud Mursal.

Previous Post

Kulan Lagu Eegayo Qorashaha Dib-u-hishiinta Oo Lagu Qabtay Muqdisho

Next Post

R/W Xamse Oo Ka Qeybgalay Xuska Maalinta Caalamiga Ah Ee Xuquuqul Insaanka Adduunka

Next Post
R/W Xamse Oo Ka Qeybgalay Xuska Maalinta Caalamiga Ah Ee Xuquuqul Insaanka Adduunka

R/W Xamse Oo Ka Qeybgalay Xuska Maalinta Caalamiga Ah Ee Xuquuqul Insaanka Adduunka

Soomaaliya oo soo dhaweysay bayaan wadareedka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Islaamka ee Qarannimada Soomaaliya

Soomaaliya oo soo dhaweysay bayaan wadareedka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Islaamka ee Qarannimada Soomaaliya

May 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhoweynaysaa bayaanka wadajirka ah ee ay...

Bayaan wadajir ah oo lagu cambaareynayo furitaanka sharci-darrada ah ee waxa loogu yeeray “Safaaradda Somaliland” ee Magaalada Qudus

Bayaan wadajir ah oo lagu cambaareynayo furitaanka sharci-darrada ah ee waxa loogu yeeray “Safaaradda Somaliland” ee Magaalada Qudus

May 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalal badan oo Islaami ah ayaa si adag u cambaareeyay tallaabada ay maamulka Somaliland ku...

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo war kasoo saartay cabashooyin ka yimi safarrada dalka Masar

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo war kasoo saartay cabashooyin ka yimi safarrada dalka Masar

May 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kumeel gaar ah u hakisay in Dalka Masar loogu safro oggolaanshaha safar ee loo...

Safaaradda Soomaaliya oo ee Shiinaha oo soo agaasintay Xuska Maalinta Afrika 

Safaaradda Soomaaliya oo ee Shiinaha oo soo agaasintay Xuska Maalinta Afrika 

May 24, 2026
0

Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha ayaa sanadkaan si heer sare ah u soo agaasintay xuska Maalinta Afrika (African Day), oo lagu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In