Wednesday, October 8, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir Looga Hadlaayo Dhaqaalaha Buluuga ah Oo Dhacay Magaalada Mazara del Vallo

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
December 10, 2022
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo dhaqaalaha Buluuga ah ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cali Ifiye Cali, ayaa Magaalada Mazara del Vallo ee dalka Talyaaniga kaga qeybgalay shir looga hadlaayay dhaqaalaha Buluuga ah iyo sidii looga sameyn lahaa horumarka joogta ah.

Inta shirka uu socday waxaa la qabtay doodo ku saabsan dhaqaalaha Buluuga ah iyo sida ay kaga faa’iideysan karaan bulshooyinka ku nool wadamada xeebaha leh ee Afrika.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Wafdi matalayay qurbo-joogta Soomaaliyeed ee Mareykanka

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Wafdi matalayay qurbo-joogta Soomaaliyeed ee Mareykanka

October 7, 2025
Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 2-aad ee Iskaashiga Ururka Bulshada Bariga Afrika

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 2-aad ee Iskaashiga Ururka Bulshada Bariga Afrika

October 7, 2025

Waxyaabaha diirada lagu saaray waxaa ka mid ah.

Joojinta Xaalufinta kheyraadka badda, ka hortagga ka faa’iideysiga sharci darada ah, wasaqeynta Biyaha, Isbedelka Cimilada iyo luminta noolaha Badda, iyo Muhiimada ay dalalka Afrika ee xeebaha leh ay u leedahay.

Wasiir Cali Ifiye, ayaa shirka ka jeediyay khudbad uu kaga hadlaayay sida ay Xukuumadda Dan Qaran kaga go’an tahay horumarinta iyo ka faa’iideysiga dhaqaalaha Buluuga ah.

Mas’uuliyiintii uu la kulmay waxa uu kala hadlay sida ay muhiim u tahay maalgashiga Soomaaliya iyo taageerada la xiriira ka faa’iideysiga dhaqaalaha Buluuga ah.

Shirka, ayaa waxaa ka qeybgalay masuuliyiin ka socday dowladaha kala ah Kenya, Uganda, Tunisia, Mauritania iyo dowladda Talyaaniga oo shirka marti gelisay.

Wasiir Cali Ifiye waxaa shirka kala qeyb galay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Isaaq Maxamuud Mursal.

 

 

 

 

Previous Post

Kulan Lagu Eegayo Qorashaha Dib-u-hishiinta Oo Lagu Qabtay Muqdisho

Next Post

R/W Xamse Oo Ka Qeybgalay Xuska Maalinta Caalamiga Ah Ee Xuquuqul Insaanka Adduunka

Next Post
R/W Xamse Oo Ka Qeybgalay Xuska Maalinta Caalamiga Ah Ee Xuquuqul Insaanka Adduunka

R/W Xamse Oo Ka Qeybgalay Xuska Maalinta Caalamiga Ah Ee Xuquuqul Insaanka Adduunka

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Wafdi matalayay qurbo-joogta Soomaaliyeed ee Mareykanka

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Wafdi matalayay qurbo-joogta Soomaaliyeed ee Mareykanka

October 7, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi matalayay qurbo-joogta Soomaaliyeed ee ku...

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 2-aad ee Iskaashiga Ururka Bulshada Bariga Afrika

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 2-aad ee Iskaashiga Ururka Bulshada Bariga Afrika

October 7, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furay Shirka Iskaashiga Ganacsiga Dalalka Bariga Afrika oo markii 2-aad...

𝐃𝐫. 𝐂𝐢𝐥𝐦𝐢 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐮𝐮𝐝 𝐍𝐮𝐮𝐫: “𝐖𝐚𝐝𝐝𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧 𝐭𝐚𝐲𝐨 𝐥𝐞𝐡, 𝐛𝐢𝐲𝐨-𝐦𝐚𝐫𝐞𝐞𝐧𝐧𝐨 𝐰𝐚𝐚𝐫𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 𝐨𝐨 𝐝𝐢𝐛 𝐮 𝐡𝐞𝐬𝐡𝐚 𝐛𝐢𝐥𝐢𝐜𝐝𝐞𝐞𝐝𝐢𝐢 𝐛𝐚𝐫𝐢-𝐬𝐚𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐢𝐢”

𝐃𝐫. 𝐂𝐢𝐥𝐦𝐢 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐮𝐮𝐝 𝐍𝐮𝐮𝐫: “𝐖𝐚𝐝𝐝𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧 𝐭𝐚𝐲𝐨 𝐥𝐞𝐡, 𝐛𝐢𝐲𝐨-𝐦𝐚𝐫𝐞𝐞𝐧𝐧𝐨 𝐰𝐚𝐚𝐫𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 𝐨𝐨 𝐝𝐢𝐛 𝐮 𝐡𝐞𝐬𝐡𝐚 𝐛𝐢𝐥𝐢𝐜𝐝𝐞𝐞𝐝𝐢𝐢 𝐛𝐚𝐫𝐢-𝐬𝐚𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐢𝐢”

October 7, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay bilaabayso...

Wasiirka Qoyska XFS oo kulan doceedyo Geneva kula qaadatay Safiiro

Wasiirka Qoyska XFS oo kulan doceedyo Geneva kula qaadatay Safiiro

October 6, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa magaalada Geneva kulamo gaar...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In