Sunday, October 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Marwada Madaxweynaha Dalka oo daahfurtay Shirweynaha Ganacsiga Haweenka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Marwada Madaxweynaha Dalka oo daahfurtay Shirweynaha Ganacsiga Haweenka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sahra Cumar Xasan ayaa daah furtay shirweynaha ganacsiga Haweenka Soomaaliyeed oo muddo labo maalmood ah ka socon doona magaalada Muqdisho.

Hooyadu waa laf dhabarta qoys walba oo Soomaaliyeed oo maanta dhisan, waa isu dheelitiraha heerarka nolosha ee qoyska, jaangooyaha sida uu u ekaanayo mustaqbalka reerka iyo qofka wajaha caqabadaha ugu adag si dhammaan xubnaha qoys u helaan fursadaha nolosha.

Related posts

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

October 12, 2025
Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

October 12, 2025

Sidaas awgeed ayaa loosoo agaasimay Shirkan oo muddada uu socdo lagu soo bandhigayo caqabadaha ku gadaaman horumarinta ganacsiga haweenka Soomaaliyeed, figrado iyo talooyin dhaxal gal ah  oo taageeraya ganacsiga haweenka iyo dhiirigelinta haweenka aan weli isku howlin ganacsiga iyo dabcan fursadaha jira ee u baahan ka faa’iideysiga.

Marwo Sahro oo qudheedu ka mid ahayd ganacsatadii Soomaaliyeed ee xilliyadii adkaa kusoo dhaqeeyay gudaha dalka ayaa ku dhiiri galisay haweenka Soomaaliyeed pin ay ku dhiiradaan barashada xirfadaha ganacsiga iyo abuuridda ganacsi gaar u ah iyaga.

 

 

 

 

Previous Post

Mudanayaasha labada Aqal ee BJFS oo ka dooday miisaaniyadda sanadka 2023

Next Post

Wasiirka Qorshenynta oo kula dardaarmay Agaasimeyaasha Waaxyaha inay xoojiyaan Isla-xisaabtanka

Next Post
Wasiirka Qorshenynta oo kula dardaarmay Agaasimeyaasha Waaxyaha inay xoojiyaan Isla-xisaabtanka

Wasiirka Qorshenynta oo kula dardaarmay Agaasimeyaasha Waaxyaha inay xoojiyaan Isla-xisaabtanka

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

October 12, 2025
0

Guddiga ku meel gaarka ah ee soo xulista Xildhibaannada Soomaaliya ku matelaya Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo...

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

October 12, 2025
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada , oo kaashanaysa Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU), ayaa maanta furtay Watashi Qaran oo socon doona...

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Qadar Ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Qadar Ee Soomaaliya

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qadar u fadhiya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In