Sunday, July 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Qorshenynta oo kula dardaarmay Agaasimeyaasha Waaxyaha inay xoojiyaan Isla-xisaabtanka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Qorshenynta oo kula dardaarmay Agaasimeyaasha Waaxyaha inay xoojiyaan Isla-xisaabtanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Qorshenta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene) ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay Agaasimayaasha Waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda, isaga oo kula dardaarmay in la sii dardargeliyo howlaha u qorsheysan Wasaaradda.

Kulanka ayaa lagu gorfeeyay Shaqooyinka kala duwan ee Wasaaraddu u hayso Xukuumadda, iyo sidii loo xoojin lahaa isla xisaabtanka. Waxaana kulanka goobjoog ka ahaa Kusimaha Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaha, ahna Agaasimaha Waaxda kormeerka, Qiimeynta iyo Xalka Waara Marwo Zahra Cabdi Maxamed, Agaasimayaasha Waaxaha kala duwan ee Wasaaradda Qorsheynta iyo Khubarrada Wasaaradda ka howlgala.

Related posts

Madaxda Dekadda Muqdisho oo kulan la qaatay wafdi ka socday Turkiga

Madaxda Dekadda Muqdisho oo kulan la qaatay wafdi ka socday Turkiga

July 26, 2026
Soomaaliya oo  Hambalyo u dirtay Jamhuuriyadda Maldives

Soomaaliya oo Hambalyo u dirtay Jamhuuriyadda Maldives

July 26, 2026

Kulanka oo qaatay saacado badan ayaa lagu soo bandhigay waxyaabaha u qabsoomay lixda bilood ee lasoo dhaafay hay’adaha dowladda federaalka ay soo bandhigtay Waaxda Kormeerka iyo Qiimeyngta oo ka soo uruurisay Wasaaradaha dowladda, iyada oo la eegayo halbeegyada dhameystirmay oo lagu guuleystay, kuwa wali qabyada ah iyo caqabdaha kala duwan ee keenay in shaqooyinka qaarkood aan wali guuleysan.

Dhanka kale, kulanka waxaa lagu falanqeeyay warbxinta deeqaha dalkeenna ugu yimaada deeq bixiyaasha caalamiga ah iyo dalalka taageero Soomaaliya, sidoo kale waxaa la soo hadal-qaaday habka iyo hannaanka looga faa’iideysan karo fursadahaas, caqabadaha jira iyo xoojinta aqoonta hay’adaha dowladda heerka fulinta.

Previous Post

Marwada Madaxweynaha Dalka oo daahfurtay Shirweynaha Ganacsiga Haweenka

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Dalka Mareykanka

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Dalka Mareykanka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Dalka Mareykanka

Madaxda Dekadda Muqdisho oo kulan la qaatay wafdi ka socday Turkiga

Madaxda Dekadda Muqdisho oo kulan la qaatay wafdi ka socday Turkiga

July 26, 2026
0

Maamulka Dekedda Muqdisho, oo uu hoggaaminayo Maareeyaha Guud Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameriko) oo ay weheliyaan Maareeye Ku-xigeennada Dr. Cali...

Soomaaliya oo  Hambalyo u dirtay Jamhuuriyadda Maldives

Soomaaliya oo Hambalyo u dirtay Jamhuuriyadda Maldives

July 26, 2026
0

Munaasabadda 61-guurada ka soo wareegtay Xorriyadda Jamhuuriyadda Maldives awgeed, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Wafdi uu hoggaaminayo musharrax hoggaamiye Liibaan Axmed oo lagu soo dhaweeyay degmada Ceeldheer

Wafdi uu hoggaaminayo musharrax hoggaamiye Liibaan Axmed oo lagu soo dhaweeyay degmada Ceeldheer

July 26, 2026
0

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa maanta gaaray Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud....

Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga oo xoojinaya iskaashiga kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga

Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga oo xoojinaya iskaashiga kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga

July 26, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee JFS, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay wafdi heer...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In