Tuesday, August 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Daa’uud “Garsoor hufan oo caddaalad ah waa aas-aaska dib u yegleelida dowlad Soomaaliyeed oo awood leh”.

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
December 27, 2022
in Wararka
0
Wasiir Daa’uud “Garsoor hufan oo caddaalad ah waa aas-aaska dib u yegleelida dowlad Soomaaliyeed oo awood leh”.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka wasaaradda Warfaafinfa, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa ka xog-waramay qodobadda looga hadlayo shirka 4-aad ee golaha wadatashiga qaranka oo maalintii labaad ka socda Muqdisho.

Shirkan ayaa Madaxdu waxay ku odorasayaan federaaleynta garsoorka iyo asteynta awoodaha heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed, arrinkan oo qeyb ka ah dhammeystirka fulinta qodobbadii warmurtiyeedkii ka soo baxay Shirkii Madasha Qaranka 3-aad ee ku soo gaba-gaboobay Muqdisho 12-kii Sebteembar.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Degmada Warta Nabadda iska diiwaangeliyay

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Degmada Warta Nabadda iska diiwaangeliyay

August 12, 2025
Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka oo xariga ka jaray dhismaha Cusub ee Taliska Gorgor.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka oo xariga ka jaray dhismaha Cusub ee Taliska Gorgor.

August 12, 2025

Wasiir Daa’uud ayaa sheegay in Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed ay iska xog-wareysan xaaladda amniga dalka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-shabaab oo Ciidamada Xoogga dalka ay ka soo hoyeen guulo waaweyn, kana xorreeyeen deeganno badan oo ay horrey ugu dhibaateynayey shacabka Soomaaliyeed.

“xorreynta dalka ee khawaarijta looga xorreynayo waa arrin heer qaran ah, kuma koobna deeggaan iyo gobolka gaar ah, waa arrin ay ka wada mideysan yihiin madaxda dowladda dhexe iyo madaxda dowlad goboleedyadda, waxaana taasi marqaati u ah in shirkii ugu dambeeyay ee golaha wadatashiga qaranka ee muqdisho lagu qabtay in bayaankii laga soo saaray lagu sheegay in dagaalka ka dhanka khawaarijta ee dalka looga xorreynayo uu yahay mid waajib ah oo ay ka wada qeyb qaadanayaan dowlad goboleedyadda iyo dowladda dhexe, shacabkuna qeyb ka yahay” ayuu yiri wasiir Daa’uud.

Qodobadda kale ee ugu waa weyn ee looga doodayo shirka 4-aad ee golaha wadatashiga qaranka waxaa kamid ah Garsoorka oo ah qodob marsii ah. waana go’aan la rabo in ummadda Soomaaliyeed oo dhan ay talo ku yeeshaan, “halku-dhigga madaxweynaha ayaa Soomaali heshiis ah dunida heshiis la ah tas ayaana keenaysa in laga wada dodo qodobadda masiirigga ee u baahan in laga wada qaado go’aan loo dhan yahay” ayuu wasiirka warfaafinta ee XfS Daa’uud Aweys Jaamac.

Previous Post

Japan oo agab difaac geyneysa Jasiirad u dhow Taiwan.

Next Post

Wasiirka Warfaafinta oo ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida Marxuum Cabdinaasir

Next Post
Wasiirka Warfaafinta oo ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida Marxuum Cabdinaasir

Wasiirka Warfaafinta oo ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida Marxuum Cabdinaasir

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Degmada Warta Nabadda iska diiwaangeliyay

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Degmada Warta Nabadda iska diiwaangeliyay

August 12, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta isaka diiwaan-geliyey goobta diiwaan-gelinta codbixiyayaasha ee Degmada Warta-Nabadda ayaa ku...

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka oo xariga ka jaray dhismaha Cusub ee Taliska Gorgor.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka oo xariga ka jaray dhismaha Cusub ee Taliska Gorgor.

August 12, 2025
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar “Jeneraal Khaalid,” ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray...

RW ku-xigeenka dalka “Amni darradu waa dabarka ku xiran horumarka da’yarta Soomaaliyeed.”

RW ku-xigeenka dalka “Amni darradu waa dabarka ku xiran horumarka da’yarta Soomaaliyeed.”

August 12, 2025
0

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo maanta qeyb galay xuska Maalinta Dhallinyarada Adduunka oo sanad...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray waddooyin muhiim ah

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray waddooyin muhiim ah

August 12, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xarigga ka jaray afar waddo oo laami...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In