Monday, June 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Garoonka kubadda cagta Dr Ayuub ee Degmada Balcad oo la dhagax dhigay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
January 14, 2023
in Ciyaaraha, Wararka
0
Garoonka kubadda cagta Dr Ayuub ee Degmada Balcad oo la dhagax dhigay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiirka Wasaarada Dhallinyarada iyo Cayaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya  Mudane Maxamed Barre Maxamuud oo uu weheliyo Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo cayaaraha dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Maxamed Caynte, Xildhibaanno ka tirsan golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, Guddoomiyaha Xiriiirka Kubada Cagta Hirshabeelle iyo guddoomiyaha degmada Balcad ayaa si wada jir ah u dhagax dhigay Garooonka Kubada Cagta Dr Ayuub Jeenyo ee ee degmada Balcad.

Garoonkaan  oo ay iska kaashadeen bulshada Balcad iyo hay’adda IOM ayaa  loo dhisi doonaa si Casri ah, ayada oo la dhigi doono roogga Cagaaran ee garoomada kubadda cagta la dhigo.

Related posts

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

June 9, 2025
Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

June 9, 2025

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Barre Maxamuud oo hadal ka jeediyay munaasabadda dhagax dhigga ayaa balan qaaday in Wasaaraddiisu qayb ka mid ah garoonka ay ka dhisi doonto xarun dhallinyarada lagu baro farsamada gacanta iyo xirfado u sahli kara inay si fudud ugu biiraan suuqa shaqada.

Dhismaha iyo qalabaynta garoonkan ayaa qayb wayn ka gaysan doonta horumarinta Isboortiga degmada iyo in dhallinyaradu hellaan goobo ay isugu yimaadaan.








Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga ka Guddoomay Danjireyaasha Dalalka Faransiiska, Slovakia iyo Netherlands

Next Post

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ansixiyay Hindise Sharciyeedka Cunaqabateynta Maaliyadeed ee Cayiman

Next Post
Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ansixiyay Hindise Sharciyeedka Cunaqabateynta Maaliyadeed ee Cayiman

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ansixiyay Hindise Sharciyeedka Cunaqabateynta Maaliyadeed ee Cayiman

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

June 9, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay...

Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

June 9, 2025
0

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mukhtaar Roobow Cali, ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya ay kaalinta...

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka oo magaaalada Makka kula kulmey Madaxa Arrimaha Diinta dalka Turkiga

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka oo magaaalada Makka kula kulmey Madaxa Arrimaha Diinta dalka Turkiga

June 9, 2025
0

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa magaaalada Makka kula kulmey Madaxa...

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo kulan dhiirrigelin iyo is-xogwareysi ah la qaatay 20-Diblumaasiyiin da’yar Soomaaliyeed

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo kulan dhiirrigelin iyo is-xogwareysi ah la qaatay 20-Diblumaasiyiin da’yar Soomaaliyeed

June 9, 2025
0

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha waxay si sharaf leh u martigelisay 20 diblumaasi oo da’yar ah oo dhameystay barnaamij...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In