Friday, January 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ansixiyay Hindise Sharciyeedka Cunaqabateynta Maaliyadeed ee Cayiman

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ansixiyay Hindise Sharciyeedka Cunaqabateynta Maaliyadeed ee Cayiman
1
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee  Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshiroow ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga labaad kulankiisa 10-aad ee Golaha Shacabka BJFS oo ajandihiisu ahaa

1.Akhrinta 2-aad ee Hindise Sharciyeedka  Cunaqabataynta Maaliyadeed ee Cayiman

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo u tacsiyeeyay Tifaftiraha Wakaaladda Wararka SONNA oo xaaskiisa ay ku dhimatay Muqdisho

January 23, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

January 23, 2026

2.Akhrinta 1-aad Hindise Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka.

3.Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangalinta Dadweynaha.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha 𝐗𝐢𝐥𝐝𝐡𝐢𝐛𝐚𝐚𝐧 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐂𝐚𝐥𝐢 “Xagaa’ ayaa Xildhibaannada Golaha Shacabka ka hor akhriyay Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka.

Intaasi kadib Xildhibaannada Golaha Shacabka BJFS ayaa aragtiyadooda ka dhiibtay Hindise Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka, Arkatiyo kala duwan oo ay Xildhibaannada kadhiibteen kadib Guddoomiye ku-xigeenka 2aaad ee golaha shacabka oo shir Guddoominayay kulanka ayaa Xoghayaha guud ee Golaha faray in sharcigaan lagu wareejiyo Guddiga Arrimaha Gudaha, Maamulada Gobollada iyo Amniga ee Golaha Shacabka BJFS, si ay ugu soo diyaariyaan akhrinta labaad ee sharcigaaan.

Sidoo kale Xildhibaannada ayaa dood adag ka yeeshay Akhrinta 2-aad ee 𝑯𝒊𝒏𝒅𝒊𝒔𝒆 𝑺𝒉𝒂𝒓𝒄𝒊𝒚𝒆𝒆𝒅𝒌𝒂  𝑪𝒖𝒏𝒂𝒒𝒂𝒃𝒂𝒕𝒂𝒚𝒏𝒕𝒂 𝑴𝒂𝒂𝒍𝒊𝒚𝒂𝒅𝒆𝒆𝒅 𝒆𝒆 𝑪𝒂𝒚𝒊𝒎𝒂𝒏 Xildhibaannada ayaa doodooda u badneyd toosin, wax ku darid iyo wax kabadal.

Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda iyo Miisaaniyada iyo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda oo ku amaanay Xildhibaannada BJFS shaqada adag iyo dooda ay ka yeesheen sharcigaaan ayaaa ka codsaday in ay anisxiyaaan maadaama Xildhibaannada intooda badani ay dooddoodu ay ku saleysneeeyd in waxtar uu u leeyahay sharcigaan dalka intaas kadib Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka BJFS ayaa cod galiyay sharcigaaan waxaana u codeeyay 140 Xildhibaan waxaana diiday 3 xildhibaan wax ka aamusayna majiro.

Intaas kadib Wasiirka Wasaaradda arimha Gudaha XFS 𝗠𝘂𝗱𝗻𝗲 𝗔𝘅𝗺𝗮𝗱 M𝗮𝗰𝗶𝗹𝗶𝗻 F𝗶𝗾𝗶  ayaa Mudunayaasha ka hor akhriyay  Hindise Sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangalinta Dadweynaha, Waxa uuna sheegay in muhiimad weeyn uu u leeyahay dalka sharcigaan Xildhibaanadana looga baahanyahy in ay meel mariyaan.

Ugu danbeeyntii Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 𝗠𝘂𝗱𝗮𝗻𝗲 𝗖𝗮𝗯𝗱𝘂𝗹l𝗮𝗮𝗵𝗶 𝗖𝘂𝗺𝗮𝗿 𝗔𝗯𝘀𝗵𝗶𝗿𝗼𝗼𝘄 oo shir Guddoominayay kulanka ayaa Xoghaya Guud ee Golaha shacabka faray in uu sharciga ku wareejiyo Guddiga Arimaha guddaha iyo Amniga ee Golaha Shacabka BJFS, Intaas Kadib Guddoomiye Abshirow ayaa kulanka soo xira








Previous Post

Garoonka kubadda cagta Dr Ayuub ee Degmada Balcad oo la dhagax dhigay “SAWIRRO”

Next Post

Ciidamada Amniga oo gacanta ku dhigay burcad dhac ka geystay deegaanka Ceelasha biyaha

Next Post
Ciidamada Amniga oo gacanta ku dhigay burcad dhac ka geystay deegaanka Ceelasha biyaha

Ciidamada Amniga oo gacanta ku dhigay burcad dhac ka geystay deegaanka Ceelasha biyaha

Wasiirka Warfaafinta XFS oo u tacsiyeeyay Tifaftiraha Wakaaladda Wararka SONNA oo xaaskiisa ay ku dhimatay Muqdisho

January 23, 2026
0

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEEHI RAAJICUUN Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Da’ud Aweys Jaamac, ayaa ka...

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

January 23, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle oo safar shaqo ku jooga dalka Bakistaan, ayaa booqday xarunta Hay’adda...

Wasiirka Warfaafinta XFS “Dowladda xaq ayeey u leedahay in ay laasho heshiis kasta oo wax u dhimaya midnimada iyo madaxbannaanida dalka

Wasiirka Warfaafinta XFS “Dowladda xaq ayeey u leedahay in ay laasho heshiis kasta oo wax u dhimaya midnimada iyo madaxbannaanida dalka

January 23, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa sheegay in go’aanka dowladda ee...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Qaahira kaga qayb galay shirka 29-aad ee golaha Wasiirrada Carabta

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Qaahira kaga qayb galay shirka 29-aad ee golaha Wasiirrada Carabta

January 23, 2026
0

Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa martigelisay shir heer sare ah oo ahaa Kulanka 29-aad ee Golaha Wasiirrada Carabta ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In