Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug iyo wafdi u hogaaminayo oo garay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa kulan la qaatay wakiilo ka socday Beesha Caalamka.
Magaalada Nairobi ee Xarunta wadanka Kenya waxaa maanta ka dhacay kulan uu shir guddominayay Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid iyo Wakiilo ka socday Beesha Caalamka oo ay ka mid ahayeen Safiiro iyo Guddomye Ku-xigeenka Guddiga Madaxa banan ee Doorashooyinka Galmudug Dr Yasiin Cabdi Jaamac.
Kulankaan ayaa waxaa loga hadlay qodobo dhowr ah oo ay ugu muhiimsanayeen Xasilinta Deegannada Galmudug ay kala wareegtay Khawaarijta Al-shabaab iyo sidi adeeg kala duwan loo garsiin lahaa bulshada ku nool Degmooyinka argagixisada laga xoreeyay.
Sido kale waxaa laga wada hadlay dardargalinta Mashaaricdaย horumarineed ee Galmudug 2023 ka socda iyo Taageeridda Guddiga Madaxa banan ee Doorashooyinka Galmudug (GIEC)
Ugu danbeyn Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug iyo Beesha Caalamka waxay dhaman isla fahmeen qodobadii ay ka wada hadleen.