Thursday, June 26, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Warbixin ku aadan Safarkii Wasiirka Isgaarsiinta ee Dalka Masar

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
January 30, 2023
in Wararka
0
Warbixin ku aadan Safarkii Wasiirka Isgaarsiinta ee Dalka Masar
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jaamac Xasan Khaliif ayaa booqasho rasmi ah ku tagay Magaalada Qaahira ee Caasimada Dalka Masar, waxaana ku wehlinaayey Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh iyo Lataliye Sakariye Ismaaciil.

Ugu horeyn wefdiga Wasiirka waxaa garoonka Qaahira ku soo dhaweeyey mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan Dowladda masar iyo Saafaradda Soomaaliya.

Related posts

Howlgallo lagu naafeyay khawaarijta oo laga fuliyay deegaanka Mabaax

Howlgallo lagu naafeyay khawaarijta oo laga fuliyay deegaanka Mabaax

June 26, 2025
Madaxweynaha JFS oo Ubax dhigay taallada Dhagax-tuur

Madaxweynaha JFS oo Ubax dhigay taallada Dhagax-tuur

June 26, 2025

Shirka Wasiirrada Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ee Jaamacadda Carabta

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jaamac Xasan Khaliif ayaa ka qeybgalay Shirka 26-aad ee Wasiirrada Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ee Jaamacadda Carabta oo sanadkaan ka dhacay Magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Shirkaan waxaa diiradda lagu saaray qodobo ay ka mid ahaayeen.
1. Adkeynta xiriirka iskaashi ee dhinaca Teknolojiyada ah ee dalalka Carabta.
2. Ansixinta istraatiijiyada Carbeed ee Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada.
3. Xoojinta addeegyda boostada.
4. Ganacsiga Elektronic-ga ah.
5. Hubinta amniga internet-ka.
6. Is-dhaafsiga khibradaha maamulka Teknolojiyada cusub.

Kulamo Doceedyada

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Mudane Jaamac Xasan Khaliif inta uu ku suganyahay Magaalada Qaahira waxa uu kulamo doceedyo la qaatay Wasiirada dhigiisa ee dalalka carbeed ee ka soo qeybgalay shirka.
Booqashada Xarumaha Teknolojiyada, ICT-da iyo Boostada.

Wasiir Jaamac intii uu ku guda jiray booqasha rasmiga ee Magaalada Qaahira waxa uu booqasho ku tagay xarumaha Teknolojiyada, ICT-da iyo Boostada Dalka masar, waxaana maamulka xarumahaas u sharxeen sida ay u shaqeeyaan iyo adeegga ay siiyaan Shacabka Masaarida xarumaha uu boqdayna waxaa ka mid ahaa.

1. Machadka Teknoolajiyada Macluumaadka
2. Maamulka Boostada Qaranka Masar
3. Machadka Isgaarsiinta Qaranka
4. Hay’adda Nidaaminta Isgaarsiinta Qaranka
5. Xarunta Tababarka Afrika

Saxiixa hishiishka is-afgaradka ee Somaliya iyo Masar

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jaamac Xasan Khaliif iyo Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar Dr Cumar Dalcat ayaa kala saxiixday heshiis is afgarad oo ku saabsan Tiknoolajiyadda, ICT-da iyo Boostada.
Qodabada Hishiishkaan.
1. Iskaashiga labada dal in ay isweedaarsadaan Aqoonta ku saabsan tababbarada ICT-da.
2. Isdhaafsiga khibradaha iyo aqoonta Kaabayaalka Dhijital-ka ah.
3. khibradaha istaraatiijiyada iyo siyaasada amniga internetka.
4. Iskaashiga dhinaca adeega Boostada.
5. waayo-aragnimada ku saabsan hal-abuurka Teknoolajiyada iyo hal-abuurka ganacsiga.

Wasiirk oo ka hadlay ahmiyadda hishiishka is-afgaradka ay wada gaareen Soomaaliya iyo Masar ayaa sheegay in iyada oo la adkeenayo xiriirka soo jireenka ah ee labada wadan in la saxiixo Hishiish iskaashi ah dhinacyada Isgaarsiinta, Boostada iyo (ICT) waana in la isweydaarsado khibradaha labada dal.

Booqashada Saafaradda Soomaaliya ee Masar.

Wasiir Jaamac Xasan Khaliif oo Booqasho rasmi ah ku joogay Magaalada Qaahira ee Caasimadda Dalka Masar ayaa booqday Saafaradda Dowladda Soomaaliya ee Masar, waxaana si diiran u soo dhaweeyey Danjire Ilyaas Sheikh Cumar Safiirka Soomaaliya ee Masar.

Wasiirka ayaa la kulmay diblomaasiyiinta iyo howlwadeennada Safaaradda, waxaana la siiyey warbixino ku saabsan qaabka ay u shaqeyso safaarada iyo howlaha ay u heyso Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool guud ahaan Dalka Masar.

Wasiir ayaa si weyn ugu Mahadceliyey Danjire Ilyaas Sheikh Cumar iyo howlwadeenada Safaarada oo wax badan ka qabtay dhismaha Safaaradda.













Previous Post

Guddoomiyaha BJFS oo soo xiray wajiga koobaad ee shirka dib-u-heshiisiinta KGS

Next Post

Tirada shaqaalaha Rayidka ee shaqada soo xaadiray oo kordhay 26% amarka R/W Xamse

Next Post
Tirada shaqaalaha Rayidka ee shaqada soo xaadiray oo kordhay 26% amarka R/W Xamse

Tirada shaqaalaha Rayidka ee shaqada soo xaadiray oo kordhay 26% amarka R/W Xamse

Howlgallo lagu naafeyay khawaarijta oo laga fuliyay deegaanka Mabaax

Howlgallo lagu naafeyay khawaarijta oo laga fuliyay deegaanka Mabaax

June 26, 2025
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka oo sii wada howlgallada lagu ciribtirayo Khawaarijta ee saacadihii...

Madaxweynaha JFS oo Ubax dhigay taallada Dhagax-tuur

Madaxweynaha JFS oo Ubax dhigay taallada Dhagax-tuur

June 26, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xusaya halgameyaashii Soomaaliyeed ee naftooda iyo dhiiggooda u huray Xorriyadda Gobollada...

wasiiru Dowlaha Caafimaadka XFS oo ka qeyb gashay Shir caalami ah

wasiiru Dowlaha Caafimaadka XFS oo ka qeyb gashay Shir caalami ah

June 26, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryam Maxamed Xuseen, iyo wafdi ay hoggaaminayso ayaa ka qeyb galay...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka mahadceliyay garab istaaga dhaqaale ee dalalka Midowga Yurub

Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka mahadceliyay garab istaaga dhaqaale ee dalalka Midowga Yurub

June 26, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda XFS, Mudane Biixi Imaan Cige, ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay wafdi sare oo ka socday Midowga Yurub,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In