Monday, October 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada XFS oo kormeeray tira-koobka Shaqaalaha Rayidka ah

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada XFS oo kormeeray tira-koobka Shaqaalaha Rayidka ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ahna guddoomiyaha guddiga korjoogtaynta iyo kormeerka habsami u socodka tira-koobaka Shaqaalaha Rayidka Dawladda , Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali, ayaa kormeeray hay’adaha Dawladda ee tira-koobka uu ka socdo.

Agaasimaha Guud oo ay weheliyeen xubno ka tirsan guddiga korjoogtaynta, ayaa kormeerkooda Sabtida maanta ku booqday xarunta Wasaaradda Maaliyadda oo ay ka socotay tira-koobka Shaqaalaha Wasaaradda.

Related posts

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

October 12, 2025
Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

October 12, 2025

“ Waxaan boggaadinaya shaqada guddiga farsamada ee tirakoobka Shaqaalaha, ujeeddadu waa in la xaqiijiyo isla-xisaabtan,daahfurnaan iyo hufnaanta Shaqada.” ayuu yiri Agaasimaha Guud , Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali.

Tirakoobkan oo soo billowday 1 bishan Feberaayo,2023 aya noqonaya midkii saddexaad ee madax ka tirinta Shaqaalaha Rayidka Dawladda, kaas oo lagu samaynayo dhammaan Shaqaalaha Rayidka Dawladda.

Ugu dambeyntii, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali ayaa xaqiijiyay tirakoobka Shaqaalaha inuu qeyb ka yahay dadaallada ay Dawladda ku dooneyso in la horumariyo adeegyada ay qaranka iyo Bulshada u hayaan Shaqaalaha Rayidka Dawladda.



Previous Post

Madaxweynaha Galmudug oo heshiis la saxiixday kusimaha Ergeyga Gaarka ah QM

Next Post

Garoonka Dhuusamareeb oo lagu soo dhaweeyey wafdi uu hoggaaminayo duqa hobyo

Next Post
Garoonka Dhuusamareeb oo lagu soo dhaweeyey wafdi uu hoggaaminayo duqa hobyo

Garoonka Dhuusamareeb oo lagu soo dhaweeyey wafdi uu hoggaaminayo duqa hobyo

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

October 12, 2025
0

Guddiga ku meel gaarka ah ee soo xulista Xildhibaannada Soomaaliya ku matelaya Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo...

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

October 12, 2025
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada , oo kaashanaysa Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU), ayaa maanta furtay Watashi Qaran oo socon doona...

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Qadar Ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Qadar Ee Soomaaliya

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qadar u fadhiya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In