Thursday, October 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Nin dad ku dhex toogtay Jaamacad ku taalla Mareykanka

caqiil by caqiil
3 years ago
in Wararka
0
Nin dad ku dhex toogtay Jaamacad ku taalla Mareykanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Nin hubeysan ayaa rasaas ku furay xarunta Jaamacadda Michigan State University ee dalka Mareykanka, hakaasi oo ay ka dhalatay dhibaato isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Booliska jaamacadda, ayaa sheegay in rasaas laga soo riday laba goobood  oo kamid ah dhismayaasha Jaamacadda, kuwaasi oo kala ah tac Berkey Hall iyo dhismaha Midowga Jaamacadda Gobolka Michigan (MSU).

Related posts

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay hormarinta xariirka diblomaasiyadeed ee labada Dal.

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay hormarinta xariirka diblomaasiyadeed ee labada Dal.

October 16, 2025
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay xubnaha Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka EAC

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay xubnaha Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka EAC

October 16, 2025

Dadka ay waxyeellada soo gaartay ayaa goor danbe laga helay gudaha dhismaha Jaamacadda, Chris Rozman oo madax u ah  Booliska jaamacadda ayaa u sheegay warfidiyeenka in aanay jirin wax hanjabaad ah oo horay u soo gaaray maamulka iyo barayaasha Jaamacadda ka hor weerarka.

Weerarkan ayaa la sheegy in lagu dilay saddex qof,  halka shan kalena lagu dhaawacay, kuwaasoo qaarkood ay soo gareen dhaawacyo halis ah.

Labo ka mid ah dadka dhintay ayaa ku sugnaa Hoolka Berkey, halka midka kalena uu ku sugnaa Xarunta Ururka MSU.

Ninka weerarka geystay ayaa la dilay, ka dib israsaaseyn ku dhawaad afar saacadood socotay oo dhexmartay isaga iyo Booliska, waxaana hadda socda baaritaan la xiriira shaqsiga dhibka geystay iyo sababta ku kaliftay weerarka.

Previous Post

Taliyaha Booliska oo wax ka baddalay adeegga dadweynaha ee uu bixiyo hoggaanka barista dembiyada

Next Post

Maamulka Gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay xarunta Farsamada Gacanta ee Haweenka Degmada Shibis

Next Post
Maamulka Gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay xarunta Farsamada Gacanta ee Haweenka Degmada Shibis

Maamulka Gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay xarunta Farsamada Gacanta ee Haweenka Degmada Shibis

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay hormarinta xariirka diblomaasiyadeed ee labada Dal.

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay hormarinta xariirka diblomaasiyadeed ee labada Dal.

October 16, 2025
0

Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Xamse Aadan Xaadoow iyo dhiggiisa Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay xubnaha Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka EAC

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay xubnaha Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka EAC

October 16, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay Xildhibaanadda Soomaaliya...

Madaxweynaha JFS shir guddoomiyay kulanka golaha Wasiirrada.

October 16, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, kaas oo diiradda...

Wasaaradda Qorshaynta oo Wadatashi Istiraatiijiyadeed la yeelatay Hay’adda WFP ee 2026–2030

Wasaaradda Qorshaynta oo Wadatashi Istiraatiijiyadeed la yeelatay Hay’adda WFP ee 2026–2030

October 16, 2025
0

Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan wadatashi ah la yeelatay Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP),...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In