Dowladda Maraykanka ayaa shan milyan oo dollar u ballan-qaadday cidii keenta xog sahlaysa dilka ama soo qabashada afhayeenka khawaarijta Al-shabaab, Cali Maxamed Raage (Cali dheere).
War kasoo baxay dowladda Maraykanka ayaa lagu sheegay in Cali dheere oo ah hoggaamiye sare oo ka tirsan ururka argagixisada Al-shabaab, sidoo kalena ah afhayeenka guud ee khawaarijta uu ku lug lahaa qorsheynta weerarro argagixiso oo ka dhacay Kenya iyo Soomaaliya.
Weerarradaasi ayaa lagu sheegay in lagu dilay kumanaan qof oo aan waxba galabsan oo ay ku jiraan muwaaddiniin Maraykan ah, kuwaasi oo ku sugnaa Soomaaliya iyo dalalka deriska la ah.
Horjooge sare Cali dheere iyo xubno kale oo ka tirsan hoggaanka khawaarijta ayaa dhowr goor la dul dhigay lacago kala duwan, kuwaas oo qaarkood lagu guuleystay in la dilo kuwo kalena ay weli ku jiraan dhuumaaleysi.