Monday, June 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Beesha Caalamka oo Soomaaliya ka taageereyso la dagaallanka Khawaarijta

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Ciidanka gaarka ah ee DANAB  oo Howlgalo ka sameeyey qeybo kamid ah Gobollada Jubbooyinka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Beesha Caalamka oo isku raacay in dowladda Soomaaliya lagu garab siiyo dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta Al-Shabaab.

Wakiilo ka kala socda dalalka Qatar, Soomaaliya,Turkey, Imaaraadka Carabta, UK iyo Maraykanka ayaa kulan ku yeeshay magaalada Washington ee dalka Maraykanka, iyagoo ka wada hadlay arrimaha amniga, dowlad-dhisidda, horumarinta iyo mudnaansiinta arrimaha bini’aadantinimo.

Related posts

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay Safiirka  Suudaan ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay Safiirka Suudaan ee Soomaaliya

June 28, 2026
Guddiga Qabanqaabada Toddobaadka Xorriyadda oo kormeeray xerada Jeneraal Gordon

Guddiga Qabanqaabada Toddobaadka Xorriyadda oo kormeeray xerada Jeneraal Gordon

June 28, 2026

Saaxiibada caalamka waxay muujiyeen taageerada dowladda federaalka ee Soomaaliya, taas oo diiradda lagu saarayo la-dagaallanka argagixisada iyo kobcinta awoodda.

Sidoo kale, waxaa kulanka looga hadlay sidii Soomaaliya loo xoojin lahaa taageerada dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta Al-Shabaab iyo u diyaar garowga ka bixitaanka howlgalka Midowga Afrika (ATMIS) ee Soomaaliya.

Wakiillada ayaa isku raacay in la xoojiyo isku xirka kaalmada amniga caalamiga ah, muhiimadda ay leedahay in la hubiyo in waqtiga ku habboon ee gargaarka la gaarsiiyo goobaha la xoreeyey.

Waxay go’aansadeen inay taageeraan dadaallada dowladda Soomaaliya ay ku doonayso inay buuxiso halbeegyada maamulka hubka iyo rasaasta si golaha ammaanka uga qaado cunaqabateynta hubka.

Beesha caalamka ayaa taageertay geeddi-socodka golaha wadatashiga Qaran ee Soomaaliya (NCC) ee horumarinta dib-u-heshiisiinta siyaasadeed iyo dhammaystirka dastuurka.

Sidoo kale, shirkan ayaa walaac looga muujiyey colaadda ka socota Laascaanood iyo nawaaxigeeda, waxayna ugu baaqeen dhammaan dhinacyada in ay u hoggaansamaan xabbad-joojinta, ayna ogolaadaan gargaarka bani’aadamnimo oo aan la carqaladayn, miiska wada-hadalkana lagu dhammeeyo xalinta colaadda.

Kulanka ayaa sidoo kale, lagu muujiyey walaaca laga qabo dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee ka dhashay abaarihii ugu darnaa ee Soomaaliya soo mara, iyagoo soo dhaweeyey taageerada caalamiga ah si loo daboolo baahiyaha deg degga ah ee dadka Soomaaliyeed, iyadoo sidoo kale la xoojinayo awoodda Soomaaliya u leedahay inay u adkaysato isbedelka cimilada.

Ugu dambeyntii, beesha caalamka ayaa ku heshiisay in ay sii wadaan taageerada Soomaaliya, la isuguna yimaado kulan kale oo ka dhaca magaalada Doha ee dalka Qatar, saddexda bilood ee soo socota, si loo wada-hadlo, looguna qiimeeyo horumarka socd

Previous Post

RW ku-xigeenka dalka oo daah furay shirka horumarinta biyaha

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Kismaayo “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Kismaayo “SAWIRRO”

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Kismaayo "SAWIRRO"

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay Safiirka  Suudaan ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay Safiirka Suudaan ee Soomaaliya

June 28, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta...

Guddiga Qabanqaabada Toddobaadka Xorriyadda oo kormeeray xerada Jeneraal Gordon

Guddiga Qabanqaabada Toddobaadka Xorriyadda oo kormeeray xerada Jeneraal Gordon

June 28, 2026
0

Guddiga Qabanqaabada Toddobaadka Xorriyadda iyo Midnimada Qaranka ayaa maanta kormeer ku tegay Xerada Jeneraal Gordon ee magaalada Muqdisho. Guddiga ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Itoobiya

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Itoobiya

June 28, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta safar shaqo ku gaaray, magaalada Addis...

Danjire Jaamac oo kulamo miro-dhal ah la qaatay Wasiirka Macdanta iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Burkina Faso

Danjire Jaamac oo kulamo miro-dhal ah la qaatay Wasiirka Macdanta iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Burkina Faso

June 28, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Burkina Faso, Danjire Jaamac Xasan Khaliif ayaa maanta kulan la qaatay Wasiirka Macdanta iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In