Shir sannadeedka 10-aad ee ururka Xeer ilaaliyaasha bariga Afrika oo labadii maalin ee ugu danbeysay ka socoday magaalada Kampala ee caasimadda Uganda ayaa maanta la soo gabagabeeyay.
Shirkan oo ay ka qeyb galayeen dolwdaha xubnaha ka ah Ururka Gobaleedka Xeer ilaaliyaasha Bariga Afrika(East Africa Association of Prosecutors ) ayaa waxaa maanta si buuxda uga mid noqotay dolwadda Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa codsatay 23 February ee sanadkan in ay ku biirto ururka xeer ilaaliyaasha bariga afrika, kaas oo muhiim ah Soomaaliya.
Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud oo ah xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka qeybna ka ahaa Shirka sannadeedka 10-aad ee ururka Xeer ilaaliyaasha bariga afrika oo la hadlayay warbaahinta qaranka ayaa yiri “Waxaa farxad weyn ii ah codsigii Soomaaliya ee Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka horay ugu soo gudbiyay Ururka la aqbalay, Soomaaliyana loo aqoonsaday in xubin buuxda ka tahay Ururka Xeer Ilaaliyaasha Bariga Afrika, xubin-nimada ururka faa’ido weyn ayee Dowladda Soomaaliya u leedahay, waxayna ka faa’ideysaa isdhaafsiga xogaha la xiriira dadka danbiliyaasha ah ee bariga afrika, tababarada xeer ilaaliyaasha iyo la dagaalanka dadka danbiyada geesta.
Urur Gobaleedka Xeer Ilaaliyaasha Bariga Afrika oo horay ugu Mideyaanayeen 11 wadan ayaa hadda waxaa ku biiray Seddax wadan oo Soomaaliya qeyb ka tahay, iyadoo Dowladda Soomaaliya qeyb ka noqonaysa ururada muhiimka ah ee ka jira gobolka bariga Afrika