Ciidamada Boliiska ee Dowladda ayaa howlgallo qorsheysan oo lagu sugayey amniga ka fuliyay qaar kamid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Howlgalkaasi oo ay sameeyeen qeybaha ciidanka boliiska,waxa uu ka dhacay deegaanada dhaca bariga,bartamaha iyo galbeed Magaaalada Muqdisho.
Howlgalkaasi oo ay horkacayeen saraakiisha ciidanka oo uu hoggaaminaayey Taliyaha Qeybta Guud G/Sare Macalin Mahdi ,waxaa lagu soo qabqabtay tiro dhallinyararo ah oo qaarkood la tilmaamay in ay ahaayeen kooxo burcad ah oo hubeysan iyo kuwo kale oo laga shakiyay.
Taliye ku xigeenka Qeybta Guud, Siciid Baryare oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa dalbaday in qeybaha bulshada ay gacan ka geystaan sugidda amniga magaalada iyo guud ahaan kan dalka.