Maareeyaha Golaha Murtida iyo Wacyi-galinta Qaranka, Cusmaan Cabdullaahi Guure oo wareysi gaar ah siiyay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed, ayaa sheegay in bahda suugaanta ay kaalin muhiim ah ku leeyihiin dagaalka ka dhanka Khawaarijta Al-shabaab ee ka socda dalka.
“Dagaalka looga soo horjeedo Khawaarijta waxaa muhiim ah in shacab iyo dowladda laga wada qeyb qaato, si looga saaro meesha kooxdaasi, bahda fankana waxaa ay qeyb ka yihiin bulshada ku jirta dagaalka” ayuu yiri Abwaan Cusmaan Cabdullaahi Guure.
Dhinaca kale, maareeyaha ayaa faah faahin ka bixiyay tartan fanka ah oo dhowaan ka furmi doona Tiyaatarka Qaranka, kaasi oo ay ka soo qeyb gali doonaan dhammaan bahda fanka.
Mudane Guure, ayaa sheegay in tartamayaasha ay ku tartami doonaan suugaan Wadani ah, sidoo kalena bahda Farshaxanka ay hibadooda ku soo bandhigi doonaan.
Waa markii u horreysay burburkii ka dib tartan nuucani lagu qabto Tiyaatarka Qaranka, waxaa xusid mudan in tartankan uu abaal marintiisa bixin doono Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.